DHEGAYSO: GAAS Xamar u safray ”Puntland waxay qabto Soomaalida ayey u sheegaysaa!!!”

19 Sep 2015 (Puntlandes) Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS ayaa maanta maruu u safrayey magaalada Xamar ee xarunta Gobolka Banaadir oo uu Xasan Shiikh ugu yeeray, ka hadlay ujeedka Safarkiisa isagoo ku sheegay inuu ka qaybgalayo Shir ka dhacaya Magaalada Xamar ee Xarunta Gobolka Banaadir.

GAAS ayaa sheegay inuu ka qayb galayo Shirka Xamar, wuxuuna intaas sii raacshay isagoo shacabka reer Puntland ku Beerlaxawsanaya in shirkaan uusan macnihiisu ahayn in Puntland ay ka tanaasulayso Go’aamadii ay horay u qaadatay. GAAS ayaa waxa kale oo uu yiri isagoo hadlkiisa sii wata ”shacabka usoo qaadimayo wax aan u cuntamin.

OGOW akhriste Soomaalida uu GAAS u sheegayo waxa ay Puntland qabto waa:

  1. Xasan Shiikh
  2. C/Kariim: Puntland ma aqoonsana
  3. Shariif Xasan
  4. MUUNGAAB
  5. Axmed Madoobe
  6. Gudoomiyayaasha Gobolada Hiiraan & Sh. Hoose
  7. Xaliimo YAREEY oo Xasan Shiikh u qaabilsan dib usoo noqoshadiisa: Puntland ma aqoonasana

1680

GAAS ayaan aqoon wax kale inuu BEEN u sheego shacabka uu madaxweynaha u yahay maahee, tanina waa mid ka mida BEENTII Caadada u ahayd.

Akhristoow soow wax lagu Qoslo maaha taasi ? Xaggee joogtaa Soomaalida uu sheegayo GAAS? Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa ”Hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho”

Dhagayso GAAS oo Xamar


Puntlandes.com

About The Author