Deegaanka Jalam oo ay weerar kusoo qaadeen Malayshiyo Beeleed kasoo Jeeda Gobolka Sool

23 Sep 205 (Puntlandes)  Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes  ayaa sheegata in Deegaanka Jalam inay qabsadeen Malayshiyo Beeleed kasoo jeeda Gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in Malayshiyadu ay dishay dad badan oo aysan noo suuroobin inaan helno tiradooda oo sax ah.

Weerarkan ayaa waxaa gaystay Malayshiya Gurmad ahaan looga soo diray Lascano taasoo daba joogta saaka dagaalkii dhacay.

Maanta waxay ahayd maalin Barakaysan oo ay Muslimiinta Gudanaya Waajibaadka Xajka ay taagnaayeen Carafo hadana waxaa la isku laynayaa wax aan micno samaynayn.

Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco warbaahinta Puntlandes

About The Author