GAAS oo Xamar Berri kula Ciidaya Kooxda DAMUL JADIID

23 Sep 205 (Puntlandes)  Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS ayaa Berri oo ah Ciid aan kula Ciidayn shacabka u doortay madaxweyninimada ee Puntland halka uu doorbiday inuu Kooxda DAMUL JADIID ee ka talisa magaalada Xamar, xarunta Gobolka banaadir la Ciido.

Shir ku sheegii ay Kooxdaasi ku qabsatay Xamar wuxuu soo gabagaboobay Isniintii ay bishu ahayd 21ka halka uu wali uu GAAS ku sugan yahay magaalada Xamar iyadoo aan la aqoon waxa uu ka samaynayo halkaas.

Maalinta berri ah oo ah Ciidul Adxa waa maalin ay madaxdu shacabkooda la ciidaan iyagoo u jeediya Shacabkooda salaada ciida kadib Qudbad ka hadlaysa wacyiga markaas jira iyo xusuusin, Guubaabo iyo Duco.

GAAS berri wuxuu Qudbadaa u jeedin doonaa saaxiibadiisa Kooxda DAMUL JADIID iyo dadka ku nool magaalada Xamar ee xarunta Gobolka Banaadir oo uu u adeego.

GAAS ayaa wuxuu uga soo hojiyey shacabka reer Puntland shir ku shegii Xamar GUULDARADII abid soo marta tii ugu xumayd!!!

About The Author