Daawo-dhagayso GAAS ”waanu tixgelinaynaa go’aanka Baarlamaanka PL, dhanka kale masiirka Soomaaliya cid gaar ah ha looga baxo….suurtogal ma ahan”

25 Sep 2015 (Puntlandes) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Hiigsiga 2016ka, Shirkii Xamar, DFS oo fashilantay, Arragtida Puntland ka qabto Dastuurka iyo sidii Doorasho ugu dhici lahayd Soomaaliya 2016ka.

Wuxuu kaloo GAAS ka hadlay Maamulka Cadaado lagu dhisay iyo siduusan dastuurka u waafaqsanayn, sida Dastuuriga ah ee ay Puntland doonayso in lagu soo doorto/xulo Xildhibaanada 2016ka, taasoo ah qaab deegaan.

Madaxweyne GAAS wuxuu kaloo cod dheer ku sheegay 9kii qodob ee Puntland kasoo saartay Xamar oo ay ka mid ahayd in MIISKA wadohadalka lasoo saaro meeshii ku haboon oo noqon lahayd Caasimadda Dalka Soomaaliya.

89a

Ugu dambayn GAAS ayaa carabka ku adkeeyey in aysan Puntland ka mid ahaan doonin dawlad ku timaada 4.5 oo ay dadka qaarkiis u OOYAYAAN.

Dhanka kale madaxweyne GAAs ayaa waxaa la waydiiyey Su’aal ahayd ”..dadka dhaliila siyaasadda dawladda Puntland waxay leeyihiin dhawaan Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland waxay soo saareen qodobo ay ka mid ahaayeen inaan wado xaajood lala geli karin DFS intay ay ka xalinayso qodobada la isku hayo, wafdigii madaxweynahana halkaas ayey iska aadeen” wuxuu ku jawaabay GAAS ”….Dabcan arragtidu marba meel ayey joogtaa anagu waanu tixgelinaynaa go’aanka Baarlamaanka, dhanka kale masiirka Soomaaliya cid gaar ah ha looga baxo oo halooga tago oo ayagu ha ku takri falaan, oo ayagu ha wataan… suurtogal inakama ahan..”

Dhagayso GAAS

Puntlandes.com

About The Author