Jaanis intee le´eg baa laga qabi karaa in dawlad Soomaali oo dhan matesha la helo doorashada 2016.

Maanta mar uu la hadlayey Madaxweynaha Puntland warbaahinta isaga taageedha, ayuu wuxuu ku sheegay labadaan qodob. Oo ku saabsan Soomaalya iyo damiciisa siyaasadeed.

  1. Madaxweyne Gaas ayaa cadeeyey in aysan jirin damac siyaasadeed oo ay madaxda dawladda Puntland ka leeyihiin arrimaha doorashada 2016
  2. Wuxuu Sheegay in ay kaliya oo ay qaadan doonaan doorkooda ah ku hogaaminta wadanka si looga baxo marxalada adag ee lagu jiro.

Hadaba akhristow qormadaani waxay dood ka qabtaa suurto galnimada qodobka labaad (2)  ee uu madaxweyneheenu inoosheegay.

Waxaa jira labo siyaabood oo wax loo qiimeeyo.

  • Qiimaayn ku salaysan, ”bakhi yaa nasiib”, taas oo micneheedu yahay in juhdi la geliyo meel aad ogtahay in laga fili karo guul iyo guul daro, labadaba. Dadka khamaarka ciyaaraa waxay is tusaan fursad ah 50/50. Laakiin hadii dhabta loo soo noqdo, waa dhif in ay natiijadu is le´ekaato. Waxaa aalaa dhacda, in isku dayo badan ay ku dhamaadaan natiijo la´aan, (trial and error). Sid badan waxaa isticmaala qaabkaan, dadka ay hayso aqoon darridu, iyaga oo aan marna wax ku qaadanayn tijaabooyinkii hore ee xumaaday. Waxaa markasta u muuqata fursad cusub, oo oranaysa, hadaad hadda tijaabisid waxaa laga yaabaa in aad markaan heshid.  Diinteenu way ka digtey in wax lagu raadiyo qaabkaan ”bakhti yaa nasiibka ah”.
  • Qiimaynta kale waa tan ku salaysan ”statistics” (the practice or science of collecting and analyzing numerical data), odoros ku salaysan, ururin xisaabin inta goor ay wax aad samaysay ama dhacay ay qaab isku mid ah noqdeen. Tusaalee, labo nin baa waxay isku qabteen, in kooxda Horseed ay ka fiicantahay kooxda Waaberi. Kii u doodayey Horseed xuwuu sheegay in marka ay kooxdaasi ciyaarayso, dadka jawigoodu is bedelo, la heeso, calamo la qaato oo meeshaas xamaasadi ay ka jirto. Markaas buu kii Waaberi u doodayey isaguna ku dooday in ay kooxdaani ka fiicantahay, Horseed, sababtoo ah in 20 goor oo ay kulmeen ay Waaberi, in ay 3 goor koobka hanatay iyo in  kaalinta,1 ay kaga jirto horyaalka socda. Ninkaani wuxuu kaga duwanyahay kan kale, wuxuu soo bandhigay, xisaab dhab ah, oo uu reference, uga dhigtay fiicnaanta kooxda. Waxaa qiimayntaan isticmaala  qof wax  yaqaan, oo ay u xisaabsan tahay, ama ururin kara dhacdooyin dhacay oo uu

markaas u barbardhigi kara fursad soo socota natiijada laga heli karo inta ay le´egtahay.

Marka loosoo noqodo qormada, fursad intee le´eg bay leedahay, in la helo Soomaalida Madaxweyneheenu raadinayo?

Ma “bakhti yaa nasiib” baa rabitaankiisu mise waa mid ku salaysan xisaabtan iyo qiimayn dhab ah?

Akhristoow dhibka uu madaxweynaheenu ka saarayo Soomaali, mu uusan bilaaban manta.

Waxaa la ridey dawladdii Soomaaliya 26, jan 1991. Taas waxaa laga joogaa  mudo ku siman 25 sanadood. Mudaddas waxaa la wadey isku dayo aan kala joogsi lahayn si loosoo celiyo, midnimo Soomaaliyeed. Taas oo soo bilaabatay, shirkii Djibouti ee, 5 Jun 1991. Shirkaas oo ahaa Khasaaradii ugu horreeysey  ee isku daygii soo celinta Soomaaliya, Waxaa ladoortay madaxweynihii ugu horreeyey ee balan furyo sameeya   Cali Mahdi.

Wuxuu jebiyey shuruud lagu xiray ee ahayd in uusan Ra´iisulwasaare u dooran Cumar Carte oo isagu ku dhawaaqay in ciidammadii qaranku isu dhiibaan, Jabhadihii USC iyo SNM.

Cali Mahdi shuruudaas waxuu jebiyey markuu Xamar yimid , isagoo ku dhawaaqay in uu Ra´iisulwasaare ka dhigay Cumar Carte.

Waxaa middaas  ka dambeysey iskudayo farabad oo mar walba shir lagu qabanayey Ethiopia, Kenya, Djibouti, Masar.

Intaba wax lagu heshiiyey kamay fulin qolyihii Xamar joogey. Markii ay reer Puntland arkeen in xaalku sidaa yahay bay waxay garteen in aan wax la sugo jir ee ay maamul samaystaan. Waxaa la dhisay Maamulkii Puntland kaas oo nasiib xumo, halkii ka sii waday ciyaaridii Bakhti yaa nasiibka.

Iyagoo axdigii ku meel gaarka ahaa ku qortay in la raadiyo dawlad Soomaaliyeed. (Rajo Been Ah)

Waxaa Soomiliyi ku maahmaahdaa “qof muslim ah isku meel  laba jeer lagama qaniinee. 17 sano oo ay Puntland jirtey waxaa sidii sagaashameeyadii halkeedii ka sii socotey balan ka bixid iyo dagaal joogta ah oo ayaga lagu hayo.

Waxaa nasiib darro ah in qof u nasab sheeganaya aqoon, waliba sare uusan wax ku qiimaynayn dhacdooyinkaas 25 sanadood, sida xiriirka ah u socdey oo haddana wali socda.

Waxaa kale oo nasiib darro ah in uu meeshaas wali uga muuqdo fursad, la mid ah tan u muuqata,  dadka khamaarka ciyaara ilaa iyo inta ay guryohooda ka iibinayaan, illeen waxay is leeyihiin ammaad hadda ku soo qaadaaye.

Baarlamaanka Puntland anigu rajo kama qabee shacabku maxay ka samayn arrintaas???.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author