Daawo Video: Booliska Gobalka Bari & Carruurta magaalada Bosaso waxa kala haysta!!

26 Sep 2015 (Puntlandes) Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashanle Sare Cabdixakiin Yuusuf Xasan ayaa waxa uu sheegay inay Booliiska Bari u maaro la’yihiin carruurta magaalada Bosaso, markii carruurtaasi magaaalada ay ku abuureen dhibaato dhinaca amniga ah.

2028b

Taliyaha ayaa cabasho badan ka muujiyey carruurta magaalada oo cabsi dadka ku abuuray iyagoo adeegsanaya baaruuda la qarxiyo, wuxuuna ka codsaday inaysan keenin magaalada Baaruudaan ay caruurtu qarxinayso.

Puntlandes.com

About The Author