Shirkii Qurba-joogta Puntland ee Yurub oo ka Furmay Helsinki Finland

Qurba joogta u dhalatay dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ku kulan san xarunta xafiiska sare ee qurbajoota Puntland ee Finland guud ahaan laga maamulo ee dhaca qaarada yurub gaar ahaan caasimada Helsinki ee wadankan Finland.xaruntan oo ah mid si kumeel gaar ah saldhig ugu ah Qurba-joogta asal ahaan ka soo jeeda Puntland.

Dalkan Finland ayaa ah mid xuduud laleh wadanka ruushka,sweden iyo noorway.waxaa lagu tilmaamaa dalkan in uu mudo yar ku gaaray hormar aad usareeya kadib xoraydiisii 1917 kii. waxaa lagu sifeeyaa sida dalka jabaan oo hormar dhaqso leh ku gaaray mudo yaroo kooban oo kayar 40 sanadood. hadaba waxaa uugu wacan bay culimadu tiraahdaa dalka jabaan oo xoog saaray dhanka waxbarashada oo uu dadkiisa kula dadaalay tacliin tayo leh oo nooc kasta leh. sidaa si lamid ah ayaa dalkan Finland uu ku dadaalay in dhaqaalihiisa inta ubadan uu uqoondeeyo oo galiyo tacliinta dadkiisa tanaa sababtay in uu mudo yar sidaa jabaan ku gaaro hormarka maanta kamuuqdo dhanwalba.

waxaan wada ogsoonahay in caalamka ay Finland ka gashay nidaamka tacliimeed iyo tayada macalimiinta iyo ardaduba kaalinka koobaad dhawrjeer caalamka.waxaad arkaysaa wadamada sida america  iyo ingiriiska oo halkan u jooga inay kabartaan oo siminaaro lasiiyo ku saabsan habka manhajka iyo nidaamka tacliimeed ee ay heerkan ku gaartay Finland si ay dalalkooda uugula noqdaan oo ugu hormariyaan. hadaba wadankani waa dal tacliin taalo dadkiisuna dhisan yihiin intii ladoono. dhanka kale dadkii soomaaliyeed ee nasiibka u yeeshay in ay halkan yimaadaan oo kunoolaadaan waxay inbadan oo kamid ahi kafaa iidaysteen aqoonta halkan taala,waxayna soomaalida qaar ka gaareen ama ka qaateen shahaadooyinka ugu sareeya ee jaamacaadka laga qaato.

Hadaba aqoonyahanada u dhashay Puntland ayaa ku guulaystay in ay lajaan qaadaan hormarka iyo aqoonta halkan taala kuwaasoo ku guulaystay in ay mideeyaan dhamaan ururadii kala duwanaa ee ka jiray halkaan.markii ay ururadii jaaliyada puntland ee Finland ay isu yimaadeen waxay dareemeen isbadalka iyo faa iidada ay leedahay wada jirku iyo dhanka kale oo ah kala qoqobnaantu khasaaraha ay uleedahay hormarka danta qurbajoogta. dadku markay midoobaan oo dantooda umidoobaan ayay gaaraan in ay helaan guulaha ah in ay ilaashadaan diintooda, dhaqankooda ama afkooda in ay dalka ay joogaan ka helaan tixgalin in ay xuquuqdooda iyo sharafkooda difaacdaan. arimahan oo dhan oo qurba joogtu u baahan tahay waxaa lagu gaaraa oo kaliya midnimo guud tanoo Finland ku guulaysatay jaaliyada joogtaa.

Waxaan leenahay hami sare iyo tiigsi meel fog ah,tani waxay keentay in hadafku yahay in labaadi goobo qurba joogta ku dhaqan daafaha caalamka  ee u dhashay puntland si aanu u yeelano dalad guud oo midaysa qurba joogta anagoo ka duulayna in dadkayaga dibadaha ku nooli oo ah raacii u horeeyay ama jiilkii (Frist Generation) ee doolaalada ku yimid caro shisheeye in aysan raaca labaad ama jiilka (Second Generation) oo ah ubadka lagu dhalay dibada aysan u lumin diintooda,dhaqankooda,afkooda si uusan uugu dhicin waxa looyaqaan kumilmid ama (Assimilation) dalkan cusub ee ay kooytada ku yihiin kaga imanaya. waxaa taa badalkeeda ah in aan ka arinsano sidii xirfad ay uyeelan lahaayeen dhalintu si ay u shaqaystaan oo fursadaas u helaan,sidii tacliinta sare loo gaarsiin lahaa, waxaa intaa dheer sidii bulshada looga ilaalin lahaa in ay  nolasha ka dhacaan dhalintu gaar ahaan,oo ay san u noqon danbiilayaal xabsi macaamiil u noqda, in laga bad baadiyo khatarta wadamada galbeedka dhalintooda haysata sida daroogada,khamarada,iyo wixii la halmaala. waxaa intaa dhinac socota sidii aan loo iloobi lahayn dalkeenii iyo dadkeenii puntland iyo soomaaliya iyo sidii aynu u caawin lahayn hadaba si taaloo gaaro waa in ugu horaynba qurba joogtu isku xirantaa oo is aamintaa oo ayadu wax istartaa soomaalidaa tiraahda “TIISABA DARYEELAA TUKALANA KU DARA”

Arimahan iyo kuwo kale oo farabadan ayaa waxaa gorfaynaya oo maskaxdooda tuujinaya aqoon yahanada isaga habarwacday daafaha aduunku ee  udhashay puntland oo kukulansan qaarada yurub caasimada dalkan Finland HELSINKI. Illahy mahadii isagaa leh amaan iyo mahad oo dhan,kadib waxaa fursadan qaaliga ah curiyay oo gogashaa toowfiiqeed ee talo dhigay ilaahay haka abaalmariyee madaxda dalada midawga jaaliyadaha puntland ee Finland. waana markii koobaad ee abid taariikhda ay dhacdo in shir guud isugu yimaadaan qurbajoogta caalamka ee puntland waana mid lagu faani karo farxadna galinaysa shacabka iyo dawlada puntland dal iyo dibadba bilaysa oo kor u qaadaysa sumcadooda. 3 qodoba raali kama noqonayno

1.in dadkayagu qurbaha ku dabar go aan oo milmaan
2.in ay kamuuqan waayaan oo wax ka qabsan waayaan dalka ay joogaan
3.in ay hal dalad oo isku xirta guud ahaan yeelan waayaan dadkoodii gudaha jirayna ay hilmaamaan.hadaanu nahay dadka u dhashay puntland waxaan nahay dad qarniyaal soo jiray oo leh taariikh facwayn iyo xadaaro waxaanu nahay dad aduunyadu taqaan suura gal maha in doorkayagii aanu gabno marnaba suuro galmaha mana aqbalayno taas. dhanka kale waxaan u rajaynaynaa walaalahayo soomaaliyeed inaysan naga harin oo iyaguna midoobaan oo nagu daydaan ceebna maha walaalkaa haduu wax ku dhaamo inaad kafaa iidaysato ood raacdo sidaas ayaa ah hormar.

Waxaan ilaahay ka baryaynaa in uu nasiiyo towfiiq iyo midnimo nagana dhigo kuwii dadkooda anfaca dibad iyo gudaba wixii kasoobaxa shirkan kafurmay HELSINKI ee aan lookala harin dibaan idiinka soo sheegi doonaa ilaahay idamkiis. laabta ku haya aduunyada umad walba waxaa hormarka gaarsiiyay rag yaroo u kacay oo ubilaabay khayrka iyo tubta hormarka kadibna waa uun layska dhaxlay jiilba jiil markaa waxaan wada aragnaa ilaahay haynoo daayee rag libaaxyo ah oo u kacay qurbajoogtii aduunka kala joogtay ee puntland ama soomaaliyaba. raganoo ka soo iftiimay sida qoraxdana uuga soobaxay dalka Finland ee dhaca cirifka waqooyi ee qaarada yurub.

About The Author