Daawo Video: Garaad saleebaan oo si dhexdhexaadnimo ah uga hadlin Dagaalka Qoriley!!

26 Sep 2015 (Puntlandes) Waxaa waqtiyadii u dambaysay ku dagaalamayey Degaanka Qoriley iyo Magacley Beelo walaalo ah kuwaasoo kala ah 2 Jufo hoosaad oo ka tirsan Beesha Cumar Maxamuud iyo Beesha baharsame.

Dhibaatadan oo mudoba soo noqnototay waxay hada ka bilaabatay Wiil yar oo Beesha Bahararsame rag ka tirsan ay dileen, taasoo aad uga caraysiisay dhanka 2 Jufo ee Cumar Maxamuud.

Dhibkii arrintaas ka bilowday waxaa ku nafwaayey dada badan ilaa hadana lagama gaarin Xal waara.

Maanta waxaa Shaashada Tv yada Soomaalida kasoo dhex muuqday Garaad saleebaan Garaad Maxamed oo si aan munaasib ahayn uga hadlaya Shaqaaqada Qoriley ka aloosan , isagoo ku tilmaamay ”XASUUQ” oo ah weer ay isticmaalaan Kooxda Galayr oo isku dir maahee aan wanaag ka shaqayn.

Garaad saleebaan kama uusan hadlin Xasuuqii xumaa ee maamulka Somaliland uu ka gaystay Kalshaale oo TAANGI taayarkii ku laayey dad shacab ah.

Garaad Saleebaan ayaa yiri ”.. dadkii waa la xasuuqaydadkii dhintay dadkay ka dhinteen kama aanu fogin…..Puntland ha joojiso gurmadka ka imanaya kan Somaliland dadka ha celiyo…” Garaadku kama codsan inay Somaliland joojiso Ciidamada farag´ha badan ee xataa iyadu ay saxaafada ka qiratay inay u dirtay Qoriley.

Waxaa su’aale ah Garaadlku ma ku taageersan yahay Mahad Cambaashe Ciidamada uu wato oo Beesha Jaamac Siyaad kasoo jeeda iyo Xukuumadda Somaliland ee lasoo dhoobay Qoriley?

Waxaan kaloo nabada u hiilinayn dadka xuma baahiya warka ay Buuhoodle kasoo dirauyaan iyagoo ku hanjabaya Ciidamaan diraynaa iyo waxaan u hiilinaynaa Bahararsame.

Marka hore waxaa wacan in Caqligu shaqeeyo oo runta la arko taasoo ah in NABADA ay labada dhinacba dantu ugu jirto. Marka labaadna in Allah laga cabsado oo dambiga la iska daayo.

Dhamaan shaqaalaha Warbaahinta Puntlandes waxay ugu baaqayaan dadka walaalaha ah inay Allah ka cabsadaan oo ka shaqeeyaan Nabada iyo wanaaga.

 

About The Author