EXCLUSIVE-XOG-Warbixin: Maxaa ka jira Ciidamadda PL ee ka cabanaya Mushahaar la’aan?

26 Sep 2015 (Puntlandes) Mudooyinkii u dambeeyey waxaa dhagaha shacabka reer Puntland ku batay wararka la xiriira Ciidamo gadooday oo ka cabanaya Xuquuqdoodii/Mushahaarkoodii oo ay ka waayeen Xukuumadda madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali GAAS muddo aad u dheer.

Dhawaan ayey ahayd markii isla todobaad gudihii Saxaafadu soo gudbisay Ciidamo Gadood ka sameeyey magaalooyinka Bosaso, Garowe, Xarfo iyo Gaalkacyo  kuwaasoo wax isku mida ka sameeyey GADOODKA kaasoo ah Mushahaar la’aan baahsan oo haysata Ciidamadaas.

Ciidanka Puntland

Hadaba Warbaahinta Puntlandes oo u taagan wanaaga iyo dawladnimada Puntland ee aan ka lahayn dan gaar ah ayaa waxay samaysay baaritaan ku saabsan Cabashada Ciidamadda Puntland ay ka cabanayaan in Xukuumadda GAAS ay siin wayday Xuquuqdoodii taasoo haddii ay jirto ah qalad wayn.

Ciidanka Puntland ee u taagan ilaalinta Puntland waa waajib in ay si aan daahniin ku jirin ay u helaan Mushahaarkooda bil walba iyo Xuquuqdooda kale. Waxay kaloo u baahn yihiin Qalabayn, Tababarid iyo ka warqabid joogto ah.

Xaqiiqda ka jirta Puntland

84

Puntland waxaa ka jiray tan iyo xiligii uu AUN Cabdulaahi Yuusuf madaxweynaha ka ahaa in Siyaasad ahaan uu Ruux Sargaal ah ku Mushahaar qaato 50, 100, 150, 300 Askari oo aan jirin laakiin lagu Naas nuujinayo sargaalkaas. Arrintan Musuqmaasuqa ku salaysan waxay XARGAHA goosatay xiligii uu madaxweynaha Puntland ka ahaa Dr Faroole. Haloo kala badnaado laakiin waxaa aad uga faa’iidaystay Naas nuujintan waa Cabdulaahi ka har, Cadde ka har iyo Faroole ka har oo ku BARAARAY.

Xog ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Maxamed Xaaji Aadan oo laga yaqaan Puntland iyo Soomaaliyaba, Caydiid na madaxweyne kuxigeen u soo noqday, uu ku Mushahaar qaadanayey Dawladdii Faroole Guuto lagu magacaabo Guutada Kumaandoosta Dalaayadaha ku booda, Ciidankaas oo warqad kaliya uun u jiray ee si run ah aan u jirin!!!!CAJIIB

Musuqmaasuqan lagu dhaco hantida ummadda Puntland waxaa looga yaqaanaa Puntland “Ciidan CAAGLEEY ah“, tusaale ahaan Sargaal hebel 70 Caagleey ah ayuu ku Mushaarqaataa iwm.

Tirakoobka Ciidanka Puntland

90

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay balanqaadkii madaxweyne GAAS ay ugub dhexaad u ahayd in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha dawladda iyo Ciidamada qaybahooda kala duwan.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay inay dawladda GAAS ay u saartay Guddi soo tiro kooba iyadoo ay ahayd in la siiyo Askari kasta Kaarka Aqoonsiga ee Ciidanka Puntland, si markaas kadib loo helo Ciidan tiraddiisa ay sax tahay oo la yaqaan, tayana leh iyadoo la ogyahay inay dad Hawl gab noqday, kuwo Naafo ah iyo waliba kuwa aan jirin ay ku Mushahaar qaataan Ciidanka. Waxaa kaloo ku Mushahaar qaata Ciidanka Puntland kuwa Dibadda dalka ku nolaa dhawr iyo tobakii sano ee u dambaysay, kuwo Shaqooyin kale haysta aana u shaqayn ciidanka iwm.

Xaggee ku dambeeyey Shaqadii Guddiga tirakoobka?

Shaqadii Gudigga Tirokoobka Ciidamada Puntland waxaa ka hor yimid Mowjado diidmo ah iyo Is-hortaag, taasoo aan wax lala yaabo ahayn maxaa yeelay Shaqsiyaadka Musuqmaasuqan ku naaxay si sahal ah kuma yeelayaan in TUUBADA u socota looga xiro.

Meelaha sida aadka ah looga diiday in la tirokooba Ciidamadda Puntland waxaa u horeeya Gobolka Mudug (Cabdulaahi ka har) iyo Gobolka Nugaal (Faroole ka har)

CAAGLEEYDU waa labo

Tan koowaad: Ciidan Xurun la yaqaan degen sida Xerada 54aad ama Ciidanka GODOD laakiin laga been abuuray tiradooda oo meeshii ay 100 Askari ka ahaayeen lagu Mushahaar qaato 1000 Askari. Tani waxay u baahan tahay wada shaqayn Ciidanka iyo Guddiga loo xilsaaray Tirakoobka.

Maadaama Ciidanka iyo Saraakiishooda ay diideen in la tiriyo ayna la shaqeeyaan Guddigii ay Xukuumadda GAAS u saartay, wuxuu Guddigii ku guuldaraystay inuu soo gudbiyo tirada saxda ah ee Ciidanka ayna Kaar aqoonsi u sameeyaan.

Tan labaad: Ciidan sidii kuwii Maxamed Xaaji Aadan oo kale ah oo aan Saldhig iyo meel ay degen yihiin aysan jirin. Kuwan way u sahlanaatay Xukuumadda GAAS inay ka jaraan Shaqsiyaadkii Naasnuujinta ku haystay.

Go’aanka GAAS ee Ciidamada diiday in la Tirokooba

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaataya in Xukuumadda GAAS ay go’aansatay inaysan Mushaar siin Ciidamada diiday in la tirokoobo ilaa ay ka ogolaadaan Tirokoobka iyo Kaar Aqoonsi qaadashada.

Isku daygii GAAS ee Tirokoobka Ciidanka GODOD

82e

Markii uu Wafdigii uu hogaaminayey madaxweyne GAAS soo gaaray Gobolka Mudug ayuu wuxuu magacaabay Guddi mar kale isku daya inuu soo Tirokooba Ciidanka dawladda ee ka hawl gala Gobolka Mudug laakiin taasina uma suurtoobin oo waa laga diiday in la tiriyo Ciidanka lana siiyo Kaar aqoonsi.

 Imisaa Godod ku Mushaar qaata?

Saldhiga Godod oo ah mid aad Muhiin ugu ah difaaca Puntland ayaa waxaa ku Mushaar qaata Cidan ay tiradoodu kor u dhaafayso 1200 Askari.

Madaxweyne GAAS ayaa 29kii agoosto 2015 Booshaqo ugu tagay Ciidanka Godod si uu ugala hadlo in Tirakoobku muhiim yahay, laakiin wadahadalaas waxay kusoo dhamaadeen guuldaro iyagoo Cidamadaasi diideen in la Tirokoobo ayna qaataan Kaarka aqoonsiga Ciidamada Puntland.

GAAS ayaa waxa uu ugu tagay xerada Godod Ciidan aad u yar oo garaa 70 tameeyo halka ay ku Mushahaar qaataan Xerada Godod Ciidan kor u dhaafayso 1200 Askari.

Gadoodka & Cabashada ciidamadda

Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa ”Baroortu Orgiga ka wayn”waxay kaloo Soomaalidu tiraahdaa ”DHURWAAGU ISAGAA HASHA CUNAYA ISAGAANA CABAADAYA” ma garbaa qaylo dhaanto iyo cabashada kasoo yeeraysa Ciidamada Puntland, kuwooda diiday in la Tirokoobo lana siiyo Kaarka aqoonsiga Ciidanka Puntland?

Qoraalo ay ka samaysay Gadoodka aan salka iyo raadka lahayn ee ay Ciidadanka Puntland sameeyaan iyagoo ku doodaya in Xukuumadda GAAS ay siin wayday Xuquuqdoodii ka akhri:

Ciidamadii Fariisinka ku lahaa Tuulada Godod oo qabsadey Goobo muhiima oo uu Bangiga Galkacayo ka mid yahay!! 

Ciidamo Xerada 54aad oo ka Gadooday Maushahaar la’aan

Ciidamo Mushahaar la’aan darteed ka Gadooday Boosaaso

Puntland waxay u baahan tahay Ciidan qalabaysan oo tayo leh kana ilaalilya Puntland Cadawgeeda. Puntland waxay u baahan tahay xerada 54aad oo ku taala caasimadda Puntland inay ahaato Xero Halbowle u ah dhamaan xeryaha kale Ciidanka Puntland, umana baahna inay XAAGLEEY ku habsato xeradaas muhiimka ah. Waana qasaby in Ciidanka Xeradu ogolaado Tirokoobka iyo qaadashada Kaarka Aqoonsiga Ciidanka Puntland.

Puntland waxay u baahan tahay Ciidan qalabaysan oo tayo leh oo fadhigoodu ahaado Saldhiga Godod, umana baahna Shaqsiyaad ay aan dan ka lahayn Difaaca Puntland ee dantoodu tahay siday lacag ku heli lahaayeen, aad bayna muhiim u tahay in Ciidanka Xeradu ogolaado Tirokoobka iyo qaadashada Kaarka Aqoonsiga Ciidanka Puntland.

Arrinkani waa ka raad gasho dawladnimeed, waa Musuqmaasuq baahay oo u baahan in shacab iyo dawlad ba lala dagaalamo.

234-3a6cShacabka Puntland hanti aad u fara badan ayaa kaga lunta Musuqmaasuqan GAAMURAY ee ka jira Puntland. Waxayna arrintani mudan tahay inay ka qayb qaataan sidii ay Puntland u heli lahayd Ciidan tirokooban kuna taageeraan shaqada ay dawladda wado.

Warbaahinta Puntlandes waxay ugu baaqaysaa dawladda Puntlanfd inay ku adkaysato inaysan u dabcin kuwa Musuqmaasuqa ku haya Puntland ayna ku adkaysato inay la Tirakoobo Ciidanka ayna qaataan Kaarka Aqoonsiga Ciidama Puntland lana soo Afjaro CAAGLEEY.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ugu baaqaysaa shacabka Puntland inay ku taageeraan dawladda shaqadii wacan ee qabato kalana shaqeeyaan sidii Musuqmaasuq iyo CAAGLEEY loo soo afjari lahaa.

info@puntlandes.com

Puntlandes.com

 

About The Author