Midowga Yurub oo xaaladda amniga, siyaasadda aan daganeyn ee Soomaaliya ka deyriyey sheegayna in wax looga qaban karro oo kaliya heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay
19 Nov 2026 (Puntland.com) Midowga Yurub oo xaaladda amniga, siyaasadda aan daganeyn ee Soomaaliya iyo kala guurka AUSSOM ayaa ka deyriyey jihada uu dalku u socdo, iyagoo hoosta ka xariiqay in xaaladda wax looga qaban karro oo kaliya heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo saldhig u noqon kara nidaam amni oo waara iyo xasilloonida dalka.
Beesha caalamka ayaa isku raacday in ay keliya taageerayso qorshe amni & kala-guur oo Soomaalidu hoggaaminayso kuna mideysan tahay, kaas oo beddeleya howlgalka amni ee shisheeye oo hadda heley taageerada sannad kale oo sii joogayaan.
Tani waa bilowga 2 todobaad oo ay kordhi doonan fariimaha toos uga imaanaya Caasumadaha Reer Galbeedka, Sidoo kale laga wada hadlay isku-duwidda taageerada caalamiga ah iyo cusbooneysiinta waajibaadka howlgalka AUSSOM, oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay la filayo inuu ka arrinsado December 2026.