Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyay mas’uuliyadda xiisadda kala dhexeysa Imaaraadka
19 Nov 2026 (Puntland.com) Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay waxa uu ku tilmaamay qalalaasaha diblomaasiyadeed iyo ololaha warbaahineed ee lagu bartilmaameedsanayo Imaaraadka Carabta.
Qoraal lagu baahiyay barta X (hore Twitter), ayaa Xoghayaha Guud ee GCC, Jassim Al-Budaiwi, ku sheegay in “hadallada iyo qoraallada kicinta ah” ee ay sii deynayaan mas’uuliyiin Soomaaliyeed ay qayb ka yihiin olole lagu dhaawacayo xiriirka Imaaraadka Carabta. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ka dambeyso waxa uu ku tilmaamay “ololayaal warbaahineed oo marin habaabin ah” oo lagu beegsanayo Imaaraadka.
Xoghayaha Guud ee GCC wuxuu muujiyay taageerada ururka ee Imaaraadka Carabta, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida xiriirka dalalka gobolka iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo is-ixtiraam.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo muranka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan eedeymo la xiriira arrimo siyaasadeed iyo xiriirka labada dal.
Bayaanadan is-daba jooga ah ayaa muujinaya in khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi uu galay marxalad cusub, iyadoo dhinacyadu ay weli ku adkeysanayaan mowqifyadooda siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.