Shirkii Mucaaradka ee Muqdisho ka soday oo ku dhammaaday inay diideen aqbalida….

Skärmbild 2026-11-05 183752

20 Nov 2026 (Puntland.com) Shirkii Mucaaradka ee Muqdisho ka soday ayaa ku dhammaaday, inay diideen aqbalida fariintii ka timid madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh oo mid ka mid ah Madasha Samatabixta usoo dhiibay ee ahaa inay la shiraan.

Xasan Sheekh ayaa fariinta usoo dhiibay dhinacyo oo u arkayay in ay u dabacsan yihiin damaciisa doorasho, laakiin Golaha Mustaqbalka ayaa si rasmi ah isugu raacay in dalabkii Xasan Sheekh si wadar-ogol ah loo diido.

Saaxiibadii farriinta kasooqaaday Villa Somalia waa ay ku qanceen go’aankan caawa dhacay, iyadoo ay sidaasi ku idlaaday rajadii Villada ay kaqabtay inay mucaaradka lafariisato.

Shirka oo ka dhacay Hotel Jasiira ayay xoguhu tilmaamayaan in xubin sare oo mucaaradka ka tirsan uu shirka keenay go,shaal ah oo la sheegay in uu ka sido Xasan Sheekh si loogu huwiyo mid kamida xubnaha oo ay Xasan Bishii Juun Marya dhiigle kal furteen.

Madaxweyner Xasan Sheekh ayaa ka lahayd fariintan jahawareerin iyo mashquulin mucaaradkeeda Muqdisho, mana aheyn markii koowaad oo uu sameeyo.

About The Author