Sawirro: Guddiga wax-soo-saarka Puntland oo kulan la yeeshay wasaaradaha wax-soo-saarka dowladda Puntland
22 Nov 2026 (Puntland.com) Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland, Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdixakiin Maxamed Cismaan, ayaa maanta ka qaybgalay shir ay yeesheen Guddiga Wax-soo-saarka Puntland iyo wasaaradaha wax-soo-saarka Dowladda Puntland, kaas oo ka qabsoomay magaalada Garoowe.
Shirka waxaa ka qaybgalay xubnaha Guddiga Maamul-wanaagga iyo Ku-dhaqanka Sharciga, Guddiga Horumarinta Dhaqaalaha iyo Kaabayaasha, Gudigga Hormarinta Wax Soo Saarka, Guddiga Arrimaha Bulshada, wasiirrada wasaarada wasaaradaha iyo Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha wax soo saarka Puntland.
Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta qorsheyaasha mudnaanta leh ee Guddiga Golaha Wasiirrada u qaabilsan Wax-soo-saarka, kala hormarinta qorshayaasha horumarineed iyo xoojinta wada-shaqaynta wasaaradaha ku shaqada leh wax-soo-saarka dalka.
Sidoo kale, shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada wasaaradaha, loona dardargelin lahaa qorshayaasha lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dalka.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta sugnaanta cuntada.









