Hoggaamiyaha Galmudug oo magacaabay xubnaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug
22 Nov 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa magacaabay Xukuumaddiisii oo ka kooban 66 wasiir kuwaas oo kala ah 24 wasiir, 24 wasiir kuxigeeno iyo 18 wasiirul dawle, iyadoo ay ka dhexmuuqdan xubno saameyn leh, sidoo kale ay kujiraan kooxo kale duwan oo katirsan dhinacyo kala aragti duwanaa.
Liibaan Axmed ayaa golihiisa u qaabeyey xukuumad wadaag ah, oo lamid ah doorashadii uu kusoo baxay oo banaanka looga heshiiyey, iyadoo lagu daray xubno layaqaano oo katirsan xukuumaddii hore, xisbiyadii doorashada lagalay iyo kooxo aan bilowgii taageersanayn.




