Sawiro: Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayna qayb ka yihiin Wasiiro, Xildhibaano, maamulka gobolka & Isimo C/wahaab gaaray deegaanka Roox gobolka Mudug.
24 Nov 2026 (Puntland.com) Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, ayna qayb ka yihiin Imaam Cabdiwahaab Maxamuud, Senator Goley, Xildhibaan Daa’uud oo ka tirsan BFS, wasiiro ka tirsan Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland, Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux, guddoomiyaha gobolka, waxgarad, nabaddoonno iyo ganacsato, ayaa saaka gaaray deegaanka Roox gobolka Mudug.
Ujeeddada socdaalka waftiga ayaa ah in xal laga gaaro colaadda ka taagan deegaanka Roox, isla markaana la kala qaado ciidamo beeleedyo halkaas isku horfadhiya, si looga hortago isku dhac hor leh loona helo nabad waarta.










