Dhagayso: Waxa ka dhacay Villa Xamar maantay ”Damacii Gobolka Mudug oo sii Xoogaystay”

0

 

481 214

 

 

Waxaa maanta mar kale la isugu yeeray Villa Xamar dad ka soo jeeda Gobolka Galgaduud iyadoo lagu shaaciyey maantay in wixii loogu yeerayey heshiiska lagu dhisayey dowlada Gobolada dhexe  lagu soo biiriyey maamulka Cadaado ee Ximan iyo Xeeb oo uu madaxda ka yahay C/llaahi Maxamed Cali (Baarleex). Mr baarleex oo maanatay saxiixay riwaayada ka socota Villa Xamar amaana kala dul dhacy.

482

Waxaa goobjoog ka ahaa meeshaas ergo matalaysa beesha caalamka oo uu hormood u ahaa Ergaygga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nikolas Kay iyo madaxa fulinta ee DFS iyo madaxa baarlamaanka DFS.

Waxay sadexdooduba aad iyo aad ugu nuuxnuuxsadeen siday u ayidsan yihiin heshiiskan iyo dowlada ay yeelanayaan Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb. Waxay iska dhaga tireen diidmada ka imaanaysa dadka Puntland. Maxaa yeelay waxay taageero lixaad leh kaga haystaan Dr Gaas madaxweynaha Puntland.

Waxaa wax aad iyo aad loola yaabo ah waa isagii madaxweynaha Puntland ku dhawaaqay 31-07-2014 in uu xiriirka u jaray DFS, xiriirkaas oon awalba sharci ahayn ee xaaraan ahaa in hadana ay beesha caalamku wali ku taageersan tahay Xasan Culusoow iyo tolki in ay dhacaan Gobolkii dhamaa ee Mudug iyo dadkiisiiba.

 

Waxaa kaloo wax lala yaabo ah sida uu u dhaqmayo Dr Gaas!!!! Ha baxshee ma wuxuu damcay in uu Falastiin ka dhigo reer Mudug? Maxaa u talo ah reer Mudug? mise sida Dr Gaas ayey dhamaantood raali ka yihiin? Ogaada ma shaqaynayso la iima imaankaro oo cid kuu imaanaysa ma leh!!! Maxaa yeelay waxaad noqondoontaa dad ku nool xero qaxooti oo kale. Xeradaas oo ku taala dowlad la yiraahdo Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb (Mudug iyo Galgaduud).

Sida muuqata hadalkii CabdiQaybdiid ee ahaa ”fad ama ha fadin waa lagu fadsiin” ujeedo run ah ayaa ka dambaysay maxaa yeelay reer Mudug waa iska hurdaan. Gaas na riwaayad ayuu u dhigayaa.

 

Hoos ka dhagayso Niclas Kay, Cabdiwali iuo jawaari

Halkana ka dhagayso Axmed Diiriye iyo wuxuu ka yiri biliqaysiga Mudug lala dacsan yahay

470

Halkana ka dhagayso Axmed Diiriye iyo wuxuu ka yiri biliqaysiga Mudug lala dacsan yahay

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *