Yaasiin Mire oo loo doortay Duqa Magaalada Bosaso

30 Sep 2015 (Puntlandes) Waxaa maanta Duqa magaalada Bosaso loo doortay Yaasiin Mire oo kaligii  usoo istaagnaa xilka duqa magaalada . Doorasaada ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacadda Bariga Afrika.

97

Yaasiin Mire ayaa ku guuleystay kadib markii uu helay 28 Cod oo ka mi ahaa 29 xubnood ee Golaha Deegaanka Degmada Bosaso.

Waxaan Doorashada ka qayb gelin Musharax Cumar Sadiiq oo shalay sheegay in uu san tartamayn sababa jira awgeed.

Ku xigeenka Duqa Bosaso waxaa loo Doortay Saciid Garown oo helay 28 cod. Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah.

Waxaa goog joog ka ahaa Doorashada maamulka gobalka Bari, kan Degmada, Bosaso, xubno ka tirsan Xukuumadda Puntland, xildhibaano,nabadoono, aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato, dalinyaro , haween iyo marti sharaf.

About The Author