Maxkamadda Hargaysa oo amartay in la siidaayo Fananiinta Geeska

30 Sep 2015 (Puntlandes) Maxkamadda Soomaaliland ayaa ku amartay Ciidamada Booliiska Soomaaliland inay sii daayaan Fanaaniin ka tirsan xidigaha Geeska oo axadii booliisku xiray.

Maxkamadda ayaa go’aamisay inaan loo marin sifo sharciya Fanaaniinta xarigooda sidaas darteedna uu yahay Sharcidaro, iyadoo intaas ku dartay in maxkamdu aysan amrin in la xiro Fananiinta oo warqad waaran qabasho ah aysan qorin.

Maxkamddu ayaa cuskatay Qodobkiisa 25aad ee Dastuurka Soomaaliland oo qorayo dammaanad qaadka xorriyaadka aasaasiga ah ee mawaadiniinta, islamarkaana aan qofna xoriyadiisa si sharci daro ah loo adeegsan karin ,waxay hadalkeeda kusii dartay in iyadoo qodobkaa ka duulaysa ay garatay in lasii daayo Fanaaniinta Geeska.

Wali lama siidayn afar kamid ahayd Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo Axadii Booliiska Soomaaliland ka qabteen Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal, kadib markii ay kasoo laabteen magaalada Xamar.

Puntlandes.com

About The Author