Daawo Video: Xaflad lagu soo dhawaynayey Duqa cusub Degmada Bosaso

1 Okt 2015 (Puntlandes) Munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweenayey Duqa cusub ee Degmada Bosaso Injineer Yaasiin Mire Maxamuud iyo ku xigeenkiisa Saciid Garown ayaa lagu qabtay magaalada Bosaso maanta.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubnaha golaha deegaanka degmada Bosaso, guddigii ansixinta golaha, nabadoono, siyaasiyiin, aqooyahano, dhalinyaro, haween, culimo’udiin iyo madax sare oo ka tirsan xukuumadda Puntland.Duqa degmada Bosaso Injineer Yaasiin Cumar Maxamuud oo ka hadlay madashada ayaa sheegay in uu mahad celinayo xildhiibanada sharafta leh ee codkooda siiyey.

Puntlandes.com

About The Author