Dhagayso: Cabsi laga qabo khalkhal siyaasadeed ku yimaada Puntland

0

Daahir C/qaadir Muus oo ahaa mudane horre oo ka tirsanaa Baarlamanka DFS ayaa ka codsaday Madaxweynaha Dr Gaas inuu ku shaqeeyo midnimada shacabka Puntland.

Daahir C/qaadir Muuse waxa uu ka digay khal khal siyaasadeed oo ku wajahan Dowlada uu hogaaminayo Dr Gaas islamarkaana loo baahan yahay in xaaladu aysan ka duwanaan sidii horre looga bartay.

Waxa uu intaas ku daray Daahir inay jiraan ciidamo lagu soo daad gureynayo magaalo madaxda Puntland Garowe labadii maalmood ee lasoo dhaafey, isagoona soo hadal qaaday maleeshiyo lasoo dejiyey subaxnimadii horre duleedka magaalada Garowe.

Daahir waxa uu walaac ka muujiyey Isbedel bedelada uu ku howlan yahay Dr Gaas , kuwaas oo uu shaqada kaga eryayo saraakiil ka mid ah dadka xogogaalka wanaagsan u leh dhaq dhaqaaqyada amni sugida ee deegaanada Puntland.

Hoos ka dhagayso Daahir

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *