Falanqaynta Todobaadka iyo Puntland

0

Warbaahinta caalamiga ah ee Puntlandes waxay idiin soo gudbinaysaa sidii caadada u ahayd falanqaynta iyo faalaynta dhacdooyinkii ugu waawaynaa ee usbuucu marka uu dhamaado.

503
Todobaadkan dhacdooyinkii dhacay, ee aan ku soo qaadanayno falanqaynta todobaadka, waxaa ugu waynaandoona ku dhawaaqitaankii Villa Xamar looga dhawaaqay, 30-07-2014, wax loogu yeeray shehiis lagu dhisayo maamul gobeleed loo samaynayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

Dowlada Puntland iyo kaalinta kaga aadan Gobolka la bililiqaystay

363

Maxay difaac iyo ka hortag samaysay xukuumada uu hogaanka u hayo Gaas? Waxba…. Awalba shacabka reer Puntland ayaa la qaldayey oo riwaayad loo dhigayey. 48 saac ka dib ayaa riwaayad loo dhigay…. Yaa arkay warqad ay xukuumada Gaas beesha caalamka u qortay? Yaa arkay xiriirkii aan sharciga waafaqsanayn ee uu Gaas yiri waa jaray meel uu ku soo celiyey markii hore, waa isaga gacanyaraha Culudsoow ku soo wajahan Puntland e? Yaa arkay qof ama wafti beesha caalamka ka socda oo u yimid Puntland goyntii uu Gaas gooyey xiriirka isaga iyo DFS u gaarka ahaa? Yaa arkay wax isbedelay?….Jawaabtu waa maya, maya maya.

Beesha Caalamka

501
Waxay goob joog ka ahayd kuna taageertay khiyaanada aan soconayn ee laga maleegayo Villa Xamar. Waxay beesha caalamku ogaatay in ay Puntland uba dhamaatay……. Oo maxaa iga galay. Raqdii haadu ka dhargaysay bay noqotay Puntland

Xasan Culusoow

499
Waa siduu rabay oo si loogu daray. Hahaaha hadduuba qosol run ah qosli karaa Culusoow…

Reer Puntland iyo Reer Mudug

392
??????????? Riwaayada Gaas ayaaba qancisay?????? Oo maba kala jecla ”awalba Sool iyo Sanaag baa la qaatay, maxaa ka micno ah haddii lagu darsado Mudug”.. Weedhoodii waxay ku soo ururtay ”wuu maamul xun yahay baa mmm isagaa meesha iska leh… waa u jeedaa waxa uu samaynayo …..shantiisa sano ha dhamaysto…”

Shirkii Golaha Wasiirada iyo waxqabadkii laga sugayey

498 497
Khamiis 07 da agosto 2014 waxaa xarunta Madaxtooyadda Dawladda Puntland ku qabsoomay shirkii Golaha Wasiirada dawladda Puntland shirkaas oo Khamiisle ah. Hadaba Soomaalidaa waxay tiraahdaa ”Ninkii dabinka dhigtay ee biciidka sugayey ee jiir ugu yimid” sidii caadada u ahayd Gaas iyo xukuumadiisa waxaa ka soo baxay shirkaas ”shimbirayahow heesa hees wanaagsan heesa” Nuxurka shirkuna waxuu ahaa mabnuucida baabuurta isteerinka midigta ku leh, war maxaa kuu baxay. Waxaa is waydiin leh ma la bedeli karaa oo hadii lasamayn karo maxaa kharash ku baxaya ? hadiiba la badeli karo maka raqiisnaankartaa inta baabuurka oo dhan laga soo bixiyey? Xukuumadaani waa kaalay oo ila qosol!!!! Waxayba kala ogyihiin walee maba jirto.

1-Golaha wasiiradda Dawladda Puntland waxay maanta si buuxda is-kugu raaceen in la joojiyo gaadiidka leh shukaanta midig, gaadiidkaas oo sabab u ah shilka ugu badan ee ka dhaca gudaha dawladda puntland
Sidoo kale waxaa la farayaa dhaaman shacabka wata gaadiidka leh shukaanta midig iyo sidoo kale albaabka xiga dhinaca midig oo sababa shilalka dadweynaha inay u wareejiyaan dhinaca midig

2-Dawladda Puntland waxay faraysaa dhamaan degmooyinka waaweyn ee puntland in kaalimada shidaalku isku jirsadaan masaafo dhan 300 mitir,si loo hortago kharta ka imaan karta dab ka dhasha kaalimaas oo dhibaato weyn u gaysan kara magaalooyinka , waxaana hawshaa u xilsaaran wasaaradaha ay khuseyso iyo gudoomiyayaasha degmooyinka

Bal Eeg Weerahan Jawaabta u ah Qodobada.

Qodobka koowaad: ”Waxay isku raaceen in la joojiyo gaadiidka leh shukaanta midig” cajiib la sahlanaa ma waxay moodeen xiriirkii aan sharciga ahayn ee kala dhexeeyey Culusoow oo ay iyagoo riwaad jilaya yiraahdeen waan u jarnay. Arintan ma wax fudud ayey moodeen? Waxaan ka maqlay Gaas ”waxaan maantay ku dhawaaqayaa kaluunka laga xado Soomaaliya waa in uu yahay masiibo qaran” maxaa xigay in wadamadii sharcidarada ku kaluumaysan jiray uu la lago heshiis in ay gurtaan wixii haray kaluunka Puntland iyo dilaaliin ay shatiyo siisay xukuumada Gaas.
Hadaan akhristow tusaale yar ka bixino inta baabuur midigta ku leh isteerinka waa dhamaantoon ama in ku dhow 80% hadaysan ka dabnayn. Baabuur nin masaakiin ahi uu caruurta ugu shaqaysta oo uu awalba kasoo bixiyey 2000 oo doolar oo hadana layiri waa in aad 2000 oo kale aad galisaa ama tuurtid Hadda waa hadii ay taasi soconayso aniga ilama aha in ay soconkorto e. Soo dhaqaale burbur bulsho ma aha arintani? maxaa loo yiri Gaas Dhaqaaluhuu yaqaanaa? Canshuurtii uu rabay in uu kordhiyo bal xaguu ka keenin? Maxaa yeelay go,aankani wuxuu saamaynayaa oo hoos u dhac wayn ku keenayaa dhaqaalaha reer Puntland oo awalba aadka u liitay

363
Qodobka labaad: in la faro degmooyinka in ay isku jiraan ”kaalimaha shidaalka” masaafo dhan 300 mitir!!!!! Qodobkani waxuu la mid yahay kii horee……………………………………………
Waxaas baa jilid ah (riwaayad), maxaa yeelay waxaad haysataan dad idanka jiibinaya wax kasta ood ula timaadaan aan muudsanayn ee duuduub ku liqaya. Su,aalna aan gelinayn waxani xagee bay ina gaynayaan? macquul ma tahay oo ma la samayn karaa? imisaa dhaqaale ku baxaysa? ma la hayaa dhaqaalahaas? haddii aan lahayna xagee laga keenayaa?

Gabagabo

• Dastuurkii hore loo bedelay warkii daa
• Dastuurkii dhamaa ee soomaliyi ku heshiisay DFS ta Culusoow way ku tumatay
• Puntland waxay noqotay waxaanba jirin
• Xasan Culusoow xaafad uu maamushay Puntland noqotay
• Gobolkii tiir dhexaadka u ahaa Puntland ee Mudug har cad baa Culusoow bililiqaystay
Maxaa u dan ah reer Puntland? Mase is daba qaban karaan? Ma is badbaadin karaan? Mise haadaa ku naaxidoonta?

 

Falanqaytii Puntlandes.com

FG. dib waa loo daabici karaa qoraalkan laakiin waa in uu ku xusan tahay xigashada ah Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *