Suurtogal ma tahay in Puntland la joojiyo gaadiidka leh shukaanta midig?

0

Shirkii Shalay ee xukuumadda puntland waxaa kasoobaxay in baabuurlaydu  badelaan isteerinka  midiglaha ah oo u beddelaan dhinaca bidixda.

504

Su,aashu waxay tahay maxaa u baahan in la bedelo maxaase lacag ku baxaysa?

Waxaan halkan hoose ku taxayaa qab yar oo katirsan waxa ay khasabka tahay in la bedelo, igana raali ahaada afsoomaali kuma aqaan marka intan yar magacyadooda waa kuwaan iyagoo english ah.

505

Power steering gear, instrument housing, instrument panel, brake chamber, pedal system, firewall, wiper arm and their arrangements, the front doors, openings of electric hatches, engine head openings, the layout of all the cables and hose and pipe. AC/ ventilations.

intaasi waa tusaale  yar marka waxaana suurta gal ah in  cable:da iyo tuubooyinka qaar ay u baahdaan in la dheereeyo, oo xataa hadii lasoo gato  kuwo cusub oo markoodii hore  loogu tala galay bidix, ma galayaan sabatoo ah waxay u baahanayaan in ay maraan meelakale, sida  matoorka dabadiisa si ay u aado dhinaca khaldan ee la rabo in wax loo wareejiyo.

Bal kasoo qaad in ay technique:ga iyo aqoonta bedelaadu taalo Puntland, awooda shaqo iyo kharashka yaa qaba ,ma Gaas?

Waaba hadiiba lahaysto  qalabka loo baahan yahay in shaqada lagu qabto. Ma la heli karaa shaqaale tira intaas oo baabur le,eg badelikara?

Ka soo qaad in ay baabuurtaasi gaarayaan  35, 000 oo baabur. Mase  suurto galbaa in nin awalba baabuurkiisa kasoo bixiyey 2000$ ilaa 3000$ in uu ku bixiyo 4000$ si uu ugu hogaansamo amarka aan caqliga badan ku dhisnayn ee xukuumada Gaas. Sow hadii lagu khasbo oo askar loo adeegsado ama ganaax in uu iska dhigo ma aha? Sow taasi keenimayso in wadankoo dhami istaago?

Masse le heli karaa shaqaale u taba baran in ay qabtaan shaqadaas? inteese waqti u baahantahay in lagu bedelo 35,000 ilaa 38,000 oo gaari ( Qiyaas 95% to 98%) baabuurta Puntland taala.

See loo badalaa sharci khuseeya hanti dadwayne? Ma waa dhacan tahay baa dadka dusha laga saaraa? Misse wixii macquul ah baa inta laga baaraan dago la sameeyaa?

Tusaale ahaan waxaa jira wadamada Europe sharci badela baabuurta wasakhda ay ku siidaayaan hawada (Emission level) EURO 3, EURO 4 EURO 5 iyo hadda sanadkaan oo la dhaqan galinayo EURO 6,  sharcigaas oo loogu talo galay in lagu yareeyo wasakhda hawada. Waxuu sharcigaani u qoran yahay sida tan “in maalinta uu dhaqan galayo sharcigaasi aanad soo gadan Karin baabuur cusub”  (hada ogow mid duug ah ma khuseeyo) oo aan buuxinayn sharcigaa Emission level:ka markaa dhaqan galaya.

Dr Gaas iyo xukuumadiisa waxaad moodaa in ayba ka maqan tahay faaqidaada baaritaanka uu u baahan yahay marka ay go,aan qaadanayaan iyo in ay darsaan saamaynta ka imaanaysa arrinkaas.

Waagii allaha u naxariistee Siyaad Barre baa wadanka waxaa ka dhacay sicir barar. Markaas buu wasiirkii maaliyada ee xiligaas (C/raxmaan Jaamac Barre) damcay in uu xadido arrintaas. Isagoo aan la tashan khuboro ka baaraan degta ayuu soo saaray sicir ay wasaaradu goysey oo waliba khusaynayey quutul daruurigii dadwaynuhu isticmaalayeen. Qiimahaasi aad buu uga hooseeyey kii dukaanleydu kusoo iibsadeen (kharashkii iyaga ka galay) markaas ayaa qof walba intii uu khasaari lahaa dukaankiisii hoosta ka xirtay. Taasina waxay keentay in wixii la cunilhaaba la waayo. Waxaa markaas dhacday in ummadii oo dhami ku raadiyaan waxay cunaan in ka badan laba jibaar intii uu markii hore joogay.  Kala iibsigii oo dhanina wuxuu noqday mid suuq madow iyo hoos isula hadal gaaray iyo ina adeerow caruurtii ayaa iga caqataye, waxaad rabtid  iga qaadoo wax iga iibi. Arrintii ay rabtay dawladu in ay xakamaso baa cirka isku sii shareeray.

Waxaan taas ula jeedaa, qolyahaan manta wada PhD haysta, ma darsi waayeen sida iyo qaabka ay macquulka u tahay arrintani?  Ma laab la kac iyo in ay yareeyaan   shilalka baabuurta baa qaaday? Misse wuxuu ku salaysan yahay caqli iyo see suurta gal ah oo looyareeyaa shilal kaa.

Arintu waxay u muuqataa iska orod  aan laga bogan waxa ka imaan  karta go, aankooda, (waa sidii ninkii riyoon jirey ee Martin Luther King ee markuu yiraahdo “ I have a dream” inta kalena ay oran jireen Aaamin.   waa loowada joogaa haday socoto, aniga waxay ila tahay in ay si hoose uga laabandoonaan oo aysanba qirandooning khaladka sida fudud ku galay.

195

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *