Sawiro: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta PL oo booqanaya Yurub ta waqooyi

26 Okt 2015 (Puntlandes) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta  Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Tujaana ayaa waxaa uu booqasho shaqo ku marayaa Wadamada Scandanevianka, isagoo iminka booqasho ku jooga dalka Sweden.

Jaaliyadda Puntland ee magaalada Gothenborg, ee Caasimadda labaad ee dalka Sweden, ayaa caawa casho Sharaf u samyeeyey Wasiir Tujaana.

Kasoo qayb galayaasha ayaa ka koobnaa Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Waxgarad, Haween iyo Dhalinyaro.

Dadkii kasoo qayb galay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Nugaal Cabdiqani (Cabdiqani Bumbe), Ex Xildhibaan Xirsi Cabdi Oog, Dr Cabdirisaaq Garwayne, Bashiir Abshir Gaas, Dr Caalami iyo col Caabudwaaq, iyadoo dhanka Dumarkana ay ka mid ahaayeen Caasho Cuud oo Buraanbur aad u qiimo badan halkaas ka tirisay, Istaahil Dhubad iyo Ruqiyo Matukade.

Waxaa xiriiriye ahaa oo si qurux badan u daadihiyey Bardacad isagoo ugu horayn kusoo dhaweeyey Shiikh Axmed Kismaanyo si uu Aayadaha Qur’aanka u akhriyo.

Kadibna waxa uu ku soo dhaweeyey Gudoomiyihii hore ee Gobolka Nugaal Cabdiqani oo soo dhaweeyey Wasiirka kadibna kusoo dhaweeyey makarafoonka Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Tujaana isagoo Wasiirku ugu horayn u mahadnaqay dadkii kusoo dhaweeyey dalka Sweden intaas kadibna waxa uu warbin dheer oo qiimo badan ka bixiyey wadankii Puntland isagoo aad ugu dheeraaday waxqabadka Xukuumada uu Hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Horumarka ka socda Puntland.

Wasiir Tujaana waxa uu ka codsaday kasoo qayb galayaashii iyo guud ahaan reer Puntland inay ka qayb qaataan Horumarinta dalkooda ayna maalgashtaan.

Ugu danbayntii waxaa soo Xiray Dr Cabdirisaaq Garwayne oo u mahad naqay Wasiirka iyo dadkii kasoo shaqeeyey Cashada, wuxuuna ku baraarujiyey inay wadankii maalgashtaan.

1

2

Puntlandes.com

About The Author