WAR DEG DEG AH: Dawladda Puntland oo hawadeeda ka mamnuucday Diyaarada Star Som ee Baraxlay fariisatay

27 Okt 2015 (Puntlandes) Wasaarada Duulista hawada iyo Goroomada dawladda Puntland ayaa waxaa ruqsadii shaqada kala laabtay diyaarada Star Som (Maandeeq) oo ka dagtay Garooon macmal ah oo kuyaal xaafada Baraxalay ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. kasoo

Warqad ku taariikhaysan 26ka okt 2015 oo kasoo baxay Wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in shirkadda Star Som uu Duulimaadkoodu khalkhal galiyey hawada Puntland, oo ay kusoo degtay Garoon sharci darro ah oo ku yaalla dhabarka dambe ee C/laahi Yusuf International Airport ee Magaalada Gaalkacyo, kaas oo dowladda Puntland ay horay u diiday maadaama uu 6KM u jiro Garoonka Gaalkacyo taasna ay khatar ku tahay, badbaadada iyo ammaanka diyaaradaha dagaya iyo uwa duulaya.

Dhanka kale dowladda Puntland ayaa Hay’adda Qaramada u qaabilsan Hawada ee ECOO Xafiiskeeda Nairobi ku wargalisay in aan Duulimaadka Star som uusan isticmaali karin hawada Puntland, islamarkaasina laga joojiyey, ka dib Diyaaradda diiwaankeedu yahay 5Y–YAS,TPYE ER120 oo ka tirsan (Star Som) ay ka degtay Garoonka macmalka ah 25/10/2015 13:30 PM.

Akhriso Waraaqda Ruqsada loogala laabtay shirkadda Star Som

128

About The Author