Xog: Shirkadihii Shidaalka ka baarayey Puntland oo joojiyey shaqadii ay ka wadeen Puntland

0

Shalay, 08-08-2014, ayey Shaacisay shirkadii Shidaalka ka baaraysay Puntland in ay joojisay ilaa iyo inta uu Xasan Culusoow uga ogolaanayo in ay sii wadato shaqadeedii ay ka waday Puntland.

Shirkadadaha Shaidaalka ka baarayey Puntland waxaa heshiis la galay oo soo bilaabay xukuumadii Puntland madaxweyne Gen Cade Muuse. Iyadoo ay sii horumariyey heshiiskaas xukuumadii uu madaxda ka ahaa Dr Froole. Waxaana riig laga taagay Dooxada Dharoor oo laga qoday labo ceel.

Engineers and visitors explore an exploratory well near Dharoor town in Puntland

Xamar lagama jeclayn horumarka iyo hurusocodka Puntland waxaana la isku deyey marar badan in la is hortaago. Waxaan is hortaagaas waxkama jiraan ka dhigay madaxweynayaashaas Puntland, Cade iyo Faroole. Geedi kasoo biloow ilaa Xasn Culusoow dagaalkaas bay ku jireen laakiin kuma aysan guulaysan.

Sanadkaan bilowgiisii,08-01-2014, waxaa  talada Puntland la wareegay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.  La wareegitaankii Gaas ee madaxtinimada Puntland waxay jaanis u noqotay Madaxweyne Xasan Culusoow oo uu Dr Faroole hangool uga hayey Puntland. Xasan wuxuu noqday di facto madaxweynaha Puntland, waxaana u suurto gashay jaaniskii uu raadinayey mudada dheer wuxuuna is hortaag ku sameeyey horumarkii iyo heshiisyadii ay Puntland la gashay Shirkadaha Shidaalka.

Shalay ayey Skirkadii Batroolka ka baaraysay Puntland warbixin ay soo saartay ay ku sheegatay in ay joojisay, Sugaysana in uu u ogolanado Xasan Culusoow in ay Puntland shaqadeedii ka sii wadato.  Arintani Puntland waxay u tahay guuldaro wayn iyo dib u dhac halka ay Xasan Culusoow …..

Halkan ka akhri warbixintii Horn Petroleum ay shalay soo saartay.

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *