Xog muhiim ah: Safarka Xasan Culusoow ee Maraykanka iyo Guuldarada ka raacday

0

Warbaahinta caalamiga ah ee Puntlandes ayaa ilo xogogaal ah ka heshay in ay guuldaro ka raacday madaxweyne Xasan Culusoow shirarkii uu kaga qayb galay Maraykanka.  Waxaa la isku raacay Xasan Culusoow na uu saxiixay in lacag Maraykanku ugu deeqay Soomaliya gaar ahaan dhisida ciidamada ay maamulaan wamada deriska gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya. Iyagoo ka shaqaynaya dhisida ciidamada Soomaaliya maamulaya lacagtaas.

Waxay  kaloo ilahan xogogaalka ah intaas ku dareen in Ismaaciil Cumar Geele madaxweynaha Jabuuti uu arintan aad uga carooday, markii uu qayb ka waayey.

Guuldarada kale ee soo gaartay Xasan Culusoow waxaa ka mid ah in uu banaanjoog ka ahaa shir dhexmaray Maraykanka iyo IGAD.

507

Guuldaradaani waxay muujinaysaa in aysan Soomaaliya dowlad Federaal ah oo matasha dhamaan ummadda Soomaaliyeed ka jirin. Aana lagu aamin karin Xasab Culusoow maamulida dhaqaalaha loogu talogalay ummadda Soomaaliyeed dhamaantood

Waxaa caalamka u cadaatay in dowlada Xamar ee uu madaxda ka yahay Xasan Culusoow aysan Soomaali oo dhan metelin. Waxaa yaab iyo wax la yaxyaxo ah in madaxweynaha Puntland Dr Gaas oo loo doortay madaxweyne, 08-01-2014, dal dhan aysan u muuqan taasi uuna hoostagay Xasan Culusoow oo aan xaafad Xamar ka mid ah maali karin haddii uusan Taangiga AMISOM ku jirin.

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *