Raysul Wasaare Sharmarke oo kulan Ammaanka ku saabsan la qaatay Saraakiisha Ciidamada

5 Nov 2015 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kaga qaybgalay shir looga hadlayey arrimaha ammaanka wadanka Soomaaliya oo ay ka qaybgaleen madaxda ciidamada xooga iyo Hay’adaha ammaanka.

75e

Mudadii uu socdey kulankan looga hadlayey ammaanka ayaa waxaa warbixin jeediyey taliyaha Ciidanka NISA Cabdiraxmaan Tuuryare iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed iyagoona kahadlay xaaladda ammaan ee dalka iyo dagaalka kadhanka ah ururka Alshabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan oo warbaahinta lahadlay kulanka kadib ayaa sheegay in kulanka looga hadlay ammaanka guud ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in ra’iisul wasaaruhu saraakiisha u sheegay inay ammaanka dalka wadashaqayn ka yeeshaan.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan weerar ururka Alshabaab ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho lagu diley ammaanduulihii hore ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya AUN General Dhega-badan iyo saraakiil kale

About The Author