Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koowad ee ciidamada gobolka Bari, Karkaar, Sanaag iyo Haylaan Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed ayaa galabta ka badbaadey isku-day dil oo lala damacsanaa

0

Isku daygaan dilka ayaa dhacey kadib markii Gudoomiayaha uu ka baaqsadey safar uu ku tagi lahaa magaalada Bosaso isagoo ku hakadey magaalada Qardho.

510

Cabdifataaax Xaaji Aadan ayaa safar uu kaga baxey maanta 9 Aug,2014 magaalada Garowe dabadeedna wuxuu ku hakaday C/fataax magaalada Qardho darawalkiisiina wuxuu u diray Bosaso dabadeedna waxaa wadada u galay darawalkii ciidan aad u xoog badan oo Alshabaab ka tirsan rabayna in ay dilaan Gudoomiye C/fataax.

Darawalkii ayaa isagoo bed qaba gaaray magaalada Bosaso iyadoo ay gaariga ku yaalaan xabado aad u fara badan

Goobta loo galay darawalka ayaa sida wararku sheegayaan ah halkii horey loogu diley sarkaalkii xakumey ciidamada Puntland ee saldhigoodu yahay agagaarka buuraha Golis AUN Jamac Af-Guduud.

Isku daygaan dilka ayaa ku soo beegmaya xili dhowaan la diley Taliyihii Qaybta Booliiska gobolka Barri Col.Muslim kadib markii nin salaamaya isku-qarxiyey.

Sida warar la xaqiijiyey laga helayo waxaa jira muran u dhexeeya saraakiisha u sareysa amniga Puntland iyo Madaxweyne Gaas murankaas oo habacsanaan galiyey howlaha amni ee dalka.

Sarkaal dhowaan u hadley kooxaha A-Shabaab ee ku dhuumaaleysta buuraha Golis ayaa inay kodhinayaan weerarada ay la beegsanayaan madaxda iyo saraakiisha dowlada Puntland.

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *