Maqaal: Madaxda Puntland Qabiil Jeclaysi ayay ku Caan Baxeen

0

Waa iska dhaqan iyo Caado in Madaxweyne kasta oo Puntland yimaada uu xukunka ka sifeeyo haraadigii madaxweynihii ka horreeyey oo isaga laftigiisu dhammaan xilalkaasi u magcaabay tolkiis ama iyaga isku wareejiyey.

Laga soo bilaabo Allaha u naxariistee Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf ilaa Cabdiweli Gaas, waxa Puntland ku caan baxday waa qabyaalad, Musuqmaasuq, Caddaalad-darro, eex, xukun la kala dhaxlo ama la kala dumaalo iyo wax kasta oo lagu sifayn karo nidaam fashilmay.

Dhibaatooyinkaasi waxay keeneen in wixii Puntland la isku oran jiray aan laga hayan wax yar oo laamiga ah mooyee oo isaga laftigiisa su’aal ka timi, iyadoo dadku kala shakiyeen kala aamin bexeen.

Haddaba, Iyadoo intii uu madaxweyne Gaas xilka hayey uu xukunka sifaynayey raggii reer Nugaaleedka ahaa ee Faroole oo ugu danbeeyey Agaasimihii Warbaahinta iyo saraakiil kale, waxaa haddana soo baxaya in la beddelayo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta.

Inta uu madaxweyne Gaas xilka hayo waxa uu ku dhamaysan doonaa sidii uu u beddeli lahaa xubnihii dowladdii ka horreysay oo iyaga laftigoodu xilalka qabyaalad darteed loogu dhiibay, una magcaabi lahaa kuwo reerkiisa ah iyo weliba sidii uu xilalka iyo fursadaha Dowladda Federaalka ugu magcaabi lahaa tolkiii sida ka muuqata Magcaabista Caaha Geelle Diiriye.

Fursadda labaadna waxaa leh qolada madaxtooyada ama xukunka kula shuraakada ah ee la wada yaqaan oo uu doonayo in uu mararka qaar ku raadgato.

Dadka buunbuuninaya ololaha xil-ka-qaadista ee Cabdiweli Gaas ha is dejiyaan oo iyaga laftigoodu taa uun bey horey xukunka ku yimaadeen.

Wararkan sheegaya in la beddelayo Taliyaha Ciidanka Daraawiisha Siciid Dheere waxaan qabaa in uu ku saxan yahay Madaxweynuhu waayo waxa uu rabaa in uu xilkaasi muhiimka ah u magcaabo nin Reerkiisa ah oo uu ku kalsoon yahay sida Siciid dheereba uu xilkaasi ugu magcaabay adeer Faroole.

Ugu Dameyn Su.aasha Isweydiinta Mudan ayaa ah Aawey Qabiiladii Kale ee Puntland ku noolaa ?.

miyeysan xaq u lahayn Xilalkan Dhaxaltooyada noqday inay iyaguna markooda Xilalka Sar Sare qabtaan,si dalka iyo Dadkaba Cadaalad loogu Horseedo.

Fiiro Gaar Ah:-Maqaalkani Wuxuu Gaar u yahay Masuulka Magaciisu Hoos ku Xusan Yahay,Looma Fasiran karo Warbaahinta Raadreeb.com.

W/Q.C/fataax Maxamed Maxamuud.

Emailka:-C.fataaxyare12@hotmail.com.

http://raadreeb.com/somali-news/maqaal-madaxda-puntland-qabiil-jeclaysi-ayay-ku-caan-baxeen/

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *