WAR DEG DEG AH: Wariye Jaamac Deperani oo Xukuumadda Gaas Xabsi u taxaabtay

19 Nov 2015 (Puntlandes) War goor dhow Warbaahinta Puntlandes ka soo gaaray Garowe ayaa sheegaya in Xukuumadda uu hogaamiyo Gaas ay Xabsi u taxaabtay Wariye Jaamac Yuusuf Deperani oo u shaqeeya Somalichannel TV.

151b

Amarka Xariga ayaa waxaa bixiyey Wasiirka Warfaafinta Puntland Soocadde.

Waxaa xusid mudan inuu Wariye Jaamac Deperani uu Deperani Show ku waraystay Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Odowaa oo isagoo Madaxtooyada Puntland ku sugan ku tilmaamay waxaan jirin Aragtida Shacabka Puntland, 450 ka mida 600 boqol ee ka qayb galay Puntland Shirkii Wadatashiga Doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo 2016ka.

About The Author