Dhageyso: Nabadoon A/lahi M Jibril ”Hadaan Degaan la qaadan Puntland way ka go’aysaa Soomaaliya”, Cambaareeyeyna hadalkii Odowaa

19 Nov 2015 (Puntlandes) Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Jibriil oo ka mida nabadoonada Puntland ayaa wax laga xumaado oo aan la qaadan karin ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Odowaa, kaasoo ahaa in ergooyinkii Puntland ee fariistay Shirkii wadatashiga oo ahaa 600 Ergo ay u dhigmaan 150 Ergo oo kaliya.

156b

Nabadoon Cabdullaahi oo kamid ahaa ergadii ka qeyb gashay madasha wadatashiga doorashooyinka ayaa taageeray Habka ay u codayeen Ergooyinkii Puntland ee ahaa in wax lagu soo doorto hab Deegaan, isagoo si caro leh u diiday nidaamkii Soomaalidu horay wax ugu qaybsan jirtay ee 4.5ka.

Nabadoonka ayaa si cad u sheegay in Puntland ay gooni uga istaagi doonta Xamar haddii aan la qaadan Deegaan oo ah Nidaamka saxda ah , wuxuuna yiri ”Hadaan nidaan Xalaasha ah oo aduunkoo dhan laga Isticmaalo la qaadan, oo aan Qofna ku dulmanayn, Soomaaliya haday diido iyagoo dano Siyaasadeed ka leh inay mar labaad ku shubtaan oo cod iyo Saldano ku helaan kuwa hada Xukunka hayaa.. waxaan Shacabka Puntland dal iyo Dibad meelay joogaanba rag iyo dumarba ku dhiiri gelinayaa…. In arintaas laga qaato QARAAR ADAG oo gooni isu taag ah oo banaankaas  laga maro Soomaaliya mar dambana aynaan waxba isugu imaan”

Halkaan ka dhageyso nabadoonka oo  daljir waraystay


Puntlandes.com

 

About The Author