Daawo Barnaamijka Todobaadka & Toronto & Xildhibaan Ahmed Dirir Hussein oo ka tirsan Barlamanaka Canada

19 Nov 2015 (Puntlandes) TV ga Somali Cable Barnaamijkiisa Todobaadka & Toronto ayaa waxaa lagu waraystay Xildhibaan Ahmed Dirir Hussein oo dhawaan ka mid noqday Barlamanaka Canada.

156bc

Waa Barnaamij aad u xiiso badan oo Xildhibaanka lagu waydiinayo su’aalo Muhiim u ah Soomalida Canada iyo Soomaalida kaleba.

Xildhibaan Ahmed ayaa sheegay maruu awoodiisa Sharxayey “Sharci ayaa jiro oo aniga i maamulaya, Xildhibaan walbana uu ku socdo, Sharcigaasna waxaa weeye aniga waxaa la ii doortay arimnaha Federaalka ah inaan Xildhibaan u noqdo, dawlaadda Gobolka ma fara gelin kari iyo dawladda hoose (Golaha Degaanka) hawlahooda sidaysan ayagu u fara gelin karin arimaha Federaalka oo aniga aan mas’uulka ka ahay ee Xafadayda York South Weston laakiin waan isla Shaqaynaa, Baarlamaanka Gobolka Gabar baa Xaafadayda laga soo Doortaa halka Golaha degaankana laba qof laga soo doorto Xaafadayda..”

Wax wayn baanu ka baran karnaa Waraysigaan oo ku saabsan sida loo ixtiraamo Xeer ay ummaddi ku heshiisay, maxaa yelay haddii la ixtiraami waayo waxaa meesha ka baxaya wixii ummadda isku hayey. waxsaa nabiid daro ah in aan soomaaliya gaar ahaan dawladda Xamar aysan ka shaqayn wixii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay.

Maxaa loo diidan yahay in la fuliyo wixii lagu heshiiyey  oo uu ugu horeeyo Sharciga Xildhibaan Ahmed xadaynaya, maxaa loo diidan yahay in Degaan Xildhibaanada lagu soo doorto sida aduunyada oo dhami ku shaqayso xaggee ka jirtaa meel Qabiil iyo 4,5 wax lagu Doorto, immisa jeer ayaa waxaa la sixiixay inay marakan ugu dambaysay kasoo bilow Embigati 2004tii , ku xiji Jabuuti 2009ki iyo 2012kii intaba waxaa lagu djhaartay inaan mar dambe la qaadanayn…

About The Author