Sawiro+Maqaal:- Ilaahay ayaa u maqan PLTV iyo Shaqaalaheeda.

Salaamu Calaykum dhamaan inta Akhrisata Maqaalkan oo inta aan ku guda jirno aan ku eegi doono Warbaahinta dowladda Puntland TV’Radio muxuu hormar sameeyey intii uu xafiiska joogey Agaasimihii hore Axmed Maxamed Cali Kismaayo iyo Agaasimaha hada xilka haya Cabdi fitaax Nuur Axmed Ashkir,sababta igu kaliftey in aan maqaalkaan soo qorana waxa ay tahay markii aan arkey Burburka baaxadda leh ee ka muuqda warbaahinta dowladda Puntland.

TV-ga iyo Radioga dowladda Puntland waxaa Puntland ugu deeqdey dowladda Talyaaniga oo uu wakiil labadda dhinac uga ahaa Axmed Kitaara oo ah xiriiriyaha Puntland iyo Talyaaniga,Puntland waxa ay ku guulaysatey in ay dhisato xarun wayn oo loogu talagalay in halkaas ay noqoto xarunta dhexe ee TV-ga iyo Radioga dowladda,waxaana madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu xilkaas u magacaabey 6/May/2013 Axmed Maxamed Cali Kismaayo 12 Sano ka soo shaqeeynayey  idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.

axmed-kismaayo

Axmed Kismaayo markii xilkaas loo magacaabey waxa uu baadi goob u galay sidii uu heli lahaa wariyaal rag iyo dumar leh kuwaas oo aqoon u leh mihnadda saxafadda ama ay wax uga bilaaban yihiin,waxaa hawada soo galay TV-ga Puntland 1/Jun/2013 waxaana qalabka baahinta uu yaalaa xarun uu TV-gu ku leeyahay magaaladda London balse waxaa Wararka iyo Barnaamijyadda laga dirayey xarunta dhexe ee magaaladda Garowe ilaa hadda.

Inkasto iddacada Puntland uusan Axmed Kismaayo wakhti ku bixin hadana waxa uu xooga saarey sidii TV-ga dowladdu u noqon lahaa mid laga daawadda dhamaan Warar iyo Barnaamijyo kala duwan oo macno leh,dhabahaantiina Axmed Kismaayo iyo wariyaashi la shaqaynayey waa ay ku guulaysteen guusha hadafkii Axmed Kismaayo ee ahaa hormarinta PLTV.

Waxaa xusid mudan in Axmed Kismaayo uu ahaa shaqsi ka caagan lunsashadda lacagaha ka soo xarooda Wararka iyo Barnaamijyadda TV-ga,waxaa shaqaaluhu ku xasuustaan ilaa hadda in uu lacagahaas uu u qaybin jirey dhamaan shaqaalaha iyado lagu qiimaynayo qof walba iyo aqoontuu ku joogey xarunta,waxaana intaas u dheera lacagaha Mushahaarka ah ee dowladdu bixiso oo guud ahaan kharash iyo Mushaar isku dhamaa $ 52,500 oo ah Miisaaniyadda Bilaha ah ee dowladdu bixiso.

Nasiib daro Axmed Kismaayo oo ahaa shaqsi ku socdey wado hormar iyo aragtidda hormarinta warbaahinta uu madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu August 5, 2014 uu xilkii uga qaadey arimo Siyaasadeed sidda aan xog ku hayo,waxaana maalintaasba xilka loo magacaabey Cabdifitaax Nuur Axmed Ashkir oo ka soo shaqeeyey shirkadda isgaarsiinta Golis iyo Xuseen Xaaji Yuusuf oo loo magacaabey ku xigeen.

491

Ashkir markii uu xilka la wareegey shaqaalaha warbaahinta dowladda waxa ay sugayeen in uu la yeesho kulan ku aadan isxog waraysi,waxaa kale oo ay filayeen in uu la yimaado wado homar balse waxaa ayaan daro ahayd in Ashkir uusan haba yaraatee uusan la imaan fikir hormar,Cadaalada iyo waliba Karti.

Waxaa laga yaaba in aad i aragtaan in aan ahay qof Ashkir ku kacsan balse waxaan igu WALAAHAYA in aysan kalmad been ah ku jirin Qoraalkan,mana ahi qof looga waramay xaaladda jirta ee waxa aan ahay qof ilaa hadda ka shaqaynaya Warbaahinta dowaladda balse la yaaban wax meesha ka socdda.

mudo ku dhow Sadex bilood kadib waxaa isku dhacay inta badan shaqaalihii warbaahinta iyo Agaasime C/fitaax Ashkir,arinta ugu wayn ee isku dhaca keentey ayaa ahayd kadib markii Ashkir uu lunsadey lacag gaaraya 10,000 oo ah dhakhiliigi TV-gu so xareeyey labo bilood iyo lacago kale oo Mushahaar kamid ahaa,waxaana lacagaasi dakhliga ahaa ahay mid ay sugayeen shaqaaluhu in loo qaybiyo si guno ay uga qaataan,dhabtiina waa sida uu ugu qaybin jirey agaasimihii  hore Kismaayo.

Afar iyo Toban qof oo kamid ah shaqaalaha ayaa la kulmey maalmo kadib madaxwaynaha dowladda Puntland Gaas waxaa ayna horgeeyeen dhamaan dhaliilihii iyo cadaymihii ay ku eedaynayeen Agaasime Ashkir,balse nasiib daradda kale waxa ay ahayd madaxwayne Gaas waxba kama uusan qaban cabashadii shaqaalaha iyadoo ay xusid mudan tahay in qaar kamid ah xafiiska madaxwaynaha ay ku Ooyeen.

Raga nimo ayey aniga ilaa muuqan lahayd hadii Agaasime Ashkir wax walba ha cunee uu kor u qaadi lahaa shaqadii iyo homarkii ay dowladda u xil saaratey shacabka Puntland ay makhraatiga ka ahaayeen.,Ayaan daro waxa ahayd in hal Barnaamij iyo hal qorshe oo hormarineed uusan haba yaraatee Agaasime C/fitaax Ashkir uusan meesha la imaan marka laga reebo in si isku mid ah u cunayey lacagta isagu leeyahay mida shaqaaluhu ay lahaayeen.

Madaxwaynaha dowladda Puntland oo aan filayo in uu aad ugu jaah wareerey muranka xoogan ee u dhaxeeya Shaqaalaha iyo Agaasimaha warbaahinta waxa uu si uu muranka uga raysto uu warbaahinta dowladda uu hoos geeyey bilogii sanadka 2015 Wasaaradda warfaafinta Puntland uu xiligaasi wasiir ka ahaa Cabdiwali Xirsi Cabdulle Indho-guran oo hada ah wasiirka Ganacsiga Puntland.Wasiir-indhoguran

Sida aan la socdo Wasiir Indho-guran inbadan ayuu isku keeney maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta,waxaa markii danbe uu shirkii shaqaalaha ee Khamiislaha ahaa ka hor cadeeyey in dhibaatadda haysta Warbaahinta dowladda Puntland ay masuul ka yihiin maamulka oo ula jeedey Agaasime Ashkir iyo ku xigeenkiisa Xuseen Xaaji.

Wax ay sii socoto cabashadii shaqaalaha waxaa adkaysan waayey qaarkamid ah shaqaalihii ugu fir fircoona shaqadda dadkuna ay ugu jeclaayeen Wararkooda iyo Barnaamijyadooda waxaana shaqadii iskaga tagey Lix Wariye iyo labo Farsamo yaqaan.

Wasiir Indho-guran waxaa loo wareejiyey wasaaradda Ganacsiga waxaana Wasaaradda warfaafinta loo soo magacaabey Maxamuud Soo’cadde,Agaasimihii ay shaqaaluhu ka cabanayeen waxaa uu ku guulaystey in uu helo wasiir isaga la fikir ah,la go’aan ah la qorshe ah.

Maxamuud Sood’cadde wasiirka warfaafinta ayaa iska daa in uu saxo ama horumariyo shaqadda warbaahinta dowladda Puntland waxaa dhexda u galay Musuqmaasuqii horey loogu eedaynayey Agaasime Ashkir,waxa uu meesha ka saarey in shaqaaluhu qaataan wax lacago Guno ah,waxaa kale uu ku Xaaskiisa iyo dad kale oo aan ka shaqayn TV-ga dowladda uu u direy Tababar saxafadeed oo ay lahaayeen Shaqaalaha PLTV&RADIO.

Waxaa wasiirka uu si toos ah Shidaal gaaraya 200 Litter uu bil kasta uga qaataa TV-ga dowladda kaas oo laga gooyo xaquuqdii iyo lacagihii ay sugayeen shaqaalahu iyadoo wasiirku uu leeyahay Adeeg ay dowladdu ugu talo gashey in uu ku shaqeeyo.

Soocade

Waxaa kale oo wasiir Sood’cadde iyo Agaasime Ashkir ay si toos ah ugu midoobayn in aan wax hormar ah laga samayn xarunta dowladda,waxaana taas kugu filin in wasiirku uu shaqaalihii Lixda ah ee ka cararey ceebta meesha taala uu Boosaskoodi ku soo badalay Dad hada ay ugu horayso mihnadda shaqada oo aan kuba filnayn in qodob wareed.

Waxaa Puntland TV uu noqdey midka ugu hooseeya TV-da ku hadla Afka Soomaaliga sababteedana waxaa iska leh Agaasime Ashkir iyo Wasiir Soo’cadde oo lahaa masuuliyadda hormarinta Warbaahinta dowladda.

Waxaan kusoo gabagabaynayaa qoraalkan in hadii uusan wax ka qaban madaxwaynaha dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas dhibaatadda ka jirta warbaahinta dowladda uu si toos ah hawada uga bixi doona ama la waayi doono qof Wariye ah ama Farsamayaqaan oo ka shaqeeya warbaahintan.

 

 

 

About The Author