Hadalkii Shalay ee Dr Gaas ”Hadaloow nina si kuu yiri nina si kuu qaadey”

0

Muxuu ku jawaabay madaxweynaha Puntland, shalay markii saxaafada maxaligaahi  wax ka waydiisey  halka ay marayso arrintii Puntland ugu yeertay xildhibaanada ugu jira  Baarlamaanka Soomaaliya  inta ka horaysa 15 Augusti oo ku beegan Jimcada inagu soo aadan?

Su,aashuse  maxay ku saabsanayd?

Su,aashu waxay ku saabsanayd waxa ka soo baxay wada tashigii uu ugu yeeray xildhibaanada Puntland ee ku jiray Baarlamaanka Xamar. Waa hadiiba ay wada fariisteen iyagoo isu Dhan maadaama uu hada ka soo ambabaxay halkii uu wada tashigu kadhici lahaa, iyadoo la ogyahay in qayb kamida xildhibaanadu  shalay ka soo degeen Gaalkacyo oo aysan weli soogaarin caasimadii. Iyo in uu jiri doono wadatashi guud dhawaan (inta ka horraysa 15 Augusti).

518

Waxuu ku jawaabey hadal ahaa ”dulucda garo doqonna loo sheegimaayo”   kaas oo ahaa in ay go,aan qaateen mar hore isgoo taa sharaxayna wuxuu yiri

Puntland horay u qaadatay go,aan 31/08/2014  isagoo ilowsan in go,aankaasi uu ku saabsanaa in la joojiyo wada shaqaynta inta wada tashi guud la isugu imaanayo  inta ka horaysa 15 augusti marka xildibaanadu yimaadaan (taas oo ah sida dadka oo dhami uu fahansanaa oo xitaa xildhibaankii yimaadaba uu shirkiisa jeraaid ku lahaa waxaan u nimid u yeeridii madaxwaynaha, taas baanuna soo ajiibney) . Isaga oo hadalkiisii sii wata waa madaxwaynaha eh, buu ku jawaabay ”waxaa socda dadaalo dhex dhexaadin ah oo ay qayb ka tahay beesha caalamku” marka waxaan rajaynaynaa in taas wax miro dhal ihi kasoo baxaan.

Markuu intaas marayo buu gartay in dadka reer Puntland ka sugayeen goorta uu qabanayo wada tashigii uu ugu yeeray xildhibaanada iyadoo dad badanina u malaynayeen oo sii odorosayeen in uu xitaa u yeeridoono siyaasiyiintii hore, odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo aritu khusaysey si looga munaaqashoodo oo looga  qaato go,aan midaysan oo ama ha ahaado  in nimanka Xamar  lagu raaco sharci ku tumashada iyo boobka ay had iyo jeer ku hayaan Puntland,  ama ha ahaado go,aan kaa kaduwan oo ah mid kusaabsan in dhinac la iskaga tiiriyo daba socodka Xamar  oo Xamar noqoto Baab la laalay.

Issaga oo aad moodo in uu arrinta ku argagaxay buu wuxuu dal dalay hadaladiisii awalba looga bartay ee ahaa Puntland baan difaacaynaa, hadii ay dawlada Xamari badeli waydo siyaasadeeda in ay Puntland qaadan doonto talaabada xigta iyo wax lamida.

Markuu taas lahaa buu wuxuu ka dhawaajiyey oo uu cadeeyey in uu hadalada madaxda Xamar qaarkeed ay isaga si shakhsiyan ah u taabatay oo oo uu dhibsaday, isaga oo taa cadaynaya ayuu yiri   ” oo waliba waxaa wax aad looga xumaado ah hadalada qaar ka mida madaxda Dawlada dhexe”

Xasan sheekh baa si jees jees ah u yiri ”Puntland waxay ka diday iyada iyo madaxdeeda hala waydiiyo”

503

Raisulwasaaraha ayaa asna si jees jees ah u yiri ” Xildhibaanada nini uma yeerin umana yeeri karo,e anay ii sii gogol xaarayeen anaa meesha u socda (jamcadii lasoo dhaafay)”

Labaduba aniga fasiraadayda waxay iila muuqataa in ay ula jeedeen in madaxwaynaha Puntland uusan ahayn nin sidaas u awood badan oo hadaladiisu aysan lahayn ama ahayn wax ka soo qaad. marka taas isaga waa taabatay oo waa dhibtay. Laakiin illeen geel caruuri qaaday ma fogee ,waxay sheekadu u dhawdayahay in uu isagu is bedelo oo waxaa taas ku qalqaalinaya beesha caalamka isagoo aad moodo in uu wali rajo ka qabo ama lagu maaweelinayo in uu helidoono kursigii Xamar ee  Amisom wardiyaha ka haysey ee ku koobnaa villada oo kaliya.

Su,aasha dad badan oo reer Puntland ah ka maqan in ay is waydiiyaan waxaa weeye. Dawlada Xamar ma badeleysaa siyaasadeeda?

Qof walba oo reer Puntland ah oo uu kujiro Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa u soo baxaysa jawaabta  ah Maya (waa calaacal timo ka soo beexeen ) marka la eego  sida beesha caalamku goobjooga ugu ahaayeen boobtii boobka iyo sharci ku tumashadu ka socotey iyo marin habowgii Dawladda Xamar.  Marka la eego jawaabihii ay ka bixiyeen C/wali Sheekh Axmed iyo Xassan Sheek Maxamuud arintaas oo hadda aannu kor ku soo xusnay. Marka la eego balan ka bixii iyo hagardaamooyinkii soo jiitamayey 23 sannadood oo uu ugu horeeyey markii Cali Mahdi inta balan kula galnay in uusan ra,iisulwasaare ka dhigin Cumar Carte markaan siino kalsoonideena, taasoo uu maalinitii ku xigtay isagii magacaabay ( Cumar Carte oo aaynaan gardaro ku diidine aynu ku diidney sida markii uu yiri Beelaha daarood iyo waliba dawladii Maxamd Siyaad Bare oo qolo walbaa ku jirtay ha isu dhiibeen Jabhadihii Isaaq iyo Hawiye )

Oo ay ku jirtay diidmadii ay Diideen shirkii aynu Boosaaso isuguyeernay oo naloogu  Jawaabay ”Areey Tuulo reer leeyahay xaan ka jiriheynaa”. Oo ay ku jirtay diidmadii ay diideen in wax lala qaybsado shirkii Qaahira. Oo ay diideen in ay la shaqeeyaan dawladii allaha u naxariistee C/laahi Yuusuf iyagoo gidigood noqday Alshabaab oo xataa kuwii ugu jiray dawladu alshabaab la shaqeeyeen ilaa u C/laahi isaga tegey meesha.

Oo ay kamid ahay in ay diideen heshiiskii Cumar C/rashiid iyo Dawladii Madaxwayne Faroole. Oo ay kamid ahayd diidmadii labaad ee Dawladii Saacid iyo Puntland, oo ay ku jirtay ku tagri falkii dastuurkii lagu heshiiyey. Iyo waliba diidmadii Xassan Sheekh ee shirkii Garoowe ee looga dalbanayey in uu wax saxo. Intaas oo dhan baa keentay in Dawladii Madaxwayne faroole xirirka u jarto markii quus laga joogsaday. C/wali Gaas isagaa laga maqlay in uu xiriir qarsooi ah la lahaa.

Aan idiin raacshee intaa waxaa dheeraa hagardaamooyinkii iyo isku dayahii aan qarsoodiga lahayn ee ay si kasta isugu dayeen in ay Puntland dumiyaan, oo ay ka hor istaagaan maalgashigii shisheeye, sida shirkadihii shidaalka.

Hadaynu saas u ognahay in aanay is bedelayn nimankaanu, maxay tahay sababta uu wali Madaxweyne C/wali u daba socdo oo uu u leeyahay dedaal baa socda?

Jawaabta meel kale loo doonimaayee waa in uu isagu dan ka leeyahay Xamar oo hadii qof  isbedelayo oo tanaasulayo  uu isaga yahay, ileen isagaa dan lehe. Mar hore buuba tanaasuley oo uu ka tanaasuley Mudug oo dhan oo waxaa xaqiiqo ah in hadalkii  aad maqasheen maaweelo yahay.  C/wali Gaas wuxuu caashaqay kursiga Xamar yaala ee Amisom waardiyaha ka hayso.

Marka inagaan maqlayne wuxuu ku heesayaa,  heestii Caashaqa  ee sidatan u dhacaysey.

”Idaaya idaaya idaaya, idaaya.  Dawadii naftaydaan doon doonayaaye”

Ileen waxaynu had iyo jeer la dabasoconaa su,aal aanu jawaab sax ah u hayne,

Oo heedhe meeshan uu caashaqay sharaf iyo baraka toona malehee,  muxuu u caashaqay?

”Dulucdu waa garo doqonna loo sheegimaayo” meshaas waxaa loogu ordayaa lacagta Soomaali mageceeda lagu soo qaado oo la musuq maasuqo. Intaas baa meeshaa loo caashaqsan yahay.

195

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *