Dhagayso: Wasiir Odowaa oo Colaaday Kooxdiisa DAM JADIID Gaalkacyo ka hurisay ka hadlay

3 Dec 2015 (Puntlandes) Wasiirka arrimaha gudaha DFS Cabdiraxmaan Odowaa oo VOA la hadlay ayaa sheegay in waftiga DFS ee uu hogaaminayo Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubnaha maamul goboleedyada inay ku guuleystaan in dagaalka maanta la joojiyo.

133

 

Odowaa ayaa ku faanay inay ku guulaysteen isku keenida Gaas iyo C/kariim, iyagoo taas sameeyey Galabta .

Odowaa ayaa dhanka kale balan qaaday inay iyaga Gaas iyo C/kariim kala qaadi doonaan berri wax uu ugu yeeray Ciidamada is hor fadhiya, la arki doonee taas!!

Odowaa ayaa wuxuu qayb wayn ka ciyaaray hurinta Colaada magaalada Gaalkacyo isagoo wakiil uga ahaa Kooxda DAMUL JADIID samaynta iyo Hubaynta maamulka aan dastuurka waafaqsanayn ee Galmudug

Dhagayso Odowaa


Puntlandes.com

About The Author