Australia: Arday ka Qalin jabiyey Jaamacadaha & Dugsiga Sare oo Shahaadooyin la gudoonsiiyey

TV ga Somalichannel Barnaamijkiisa Waxbarashada

3 Dec 2015 (Puntlandes) Xaflad balaaran oo uu soo agaasimay ururka SAFA ee ka jira dalka Australia, taasoo Shahaadooyin lagu gudoonsiiyey Arday ka Qalin jabiyey Jaamacahda iyo Dugsiyada Sare ee dalka Australia gaar ahaan magaalada Melbourne.

Marti Sharaf badan ayaa kasoo qayb gashay Xafladaas kuwaasoo isugu jiray Waalidiin, aqoonyahano iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Dadkii Xafladaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Aqoonyahan Xasan Yuusuf Dhuux  (Xasan Garabey) oo kamida Dadka halbowlaha u ah Soomaalida Australia.

Xasan Garabey ayaa wuxuu ka jeediyey Xaflada Khudbad aad u dheer oo uu kaga hadlay arimo fara badan oo khuseeya guud ahaan Soomaalida gaar ahaan kuwa reer Australia.

 161c3a

Waxyaalihii uu Xasan Garabey sida qotada dheer uga hadlay waxaa ka mid ahaa:

Badbaadinta Afkeena Soomaaliga iyo Dhaqankeena

Xasan Garabey wuxuu soo qaadanayaa sida ay Dhalinyarada Australia ku nool uu uga yar yahay ku hadalka iyo isticmaalka Afka Soomaaliga, wuxuuna Xasan Garabey ka digay haddii aysan dadka waawayni wax ka qaban badbaadinta Afka Hooyo sida ay noqon doonaan dhalinyarada iminka kuwa ay dhali doonaan.

Xasan Garabey isagoo dadka ku baraarujinaya shaqada uu u baahan yahay badbaadinta Afkeena Hooyo wuxuu tusaale usoo qaatay dadka Yuhuuda oo dalal kala duwan sal dhigtay Qarniyo ka hor hadana Afkoodi Xafitay.

Dahalinyaro badan oo Xabsiga ku jirta

Xasan Garabey waxaa kaloo uu soo qaatay muhiimada ay leedahay in la iswaydiiyo waxa keenay in Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ay Xabsiyada Australia ka buuxaan, wuxuuna is waydiiyey waxa Qaldan !

Ka faa’iidaysiga Fursadaha Waxbarasho ee dalka Australia

Xasan Garabey ayaa wuuxuu aad ugu dheeraday qiimaha ay Waxbarshadu u leedahay Aadanaha, wuxaana Xasan Garabey tusaale usoo qaatay in sanadkii hore ay Dalka Australia Waxbarasho u yimaadeen Arday Ajanabi ah oo gaaraya ku dhawaad 250 kun oo Arday iyagoo ku bixiyey waxbarashadooda lacag dhan 15700 miljan oo doolar.

Wuxuu Xasan Garabey wax laga naxo ku tilmaamay in Soomaalida Australia oo haystaa Fursado Waxbarasho oo lacag la’aan ah inaysan sidii la rabay ama si u dhaw uga Faa’iidaysan, halka dad kale lacag fara badan ku bixinayaan.

Xasan Garabey ayaa ku guubaabiyey Qoysaska reer Australia inay Hooyo iyo aabeba u guntadaan sidii ay waqti iyo maskaxba u gelin lahaayeen korinta iyo Waxbarida ubadkooda.

Mahadnaq wanaaga ay reer Australia u galeen Soomaalida

Ugu dambayntii Xasan Garabey ayaa cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay in Soomaalida Australia ay u Mahadnaqaan wanaaga ay reer Australia u galeen Soomaalida iyo soo dhawayntii ay u sameeyeen, isagoo intaas ku daray in loo baahan yahay in la ilaaliyo Sharci dalka Australia u yaal.

Waxaa kaloo Xafladaas ka hadlay Mahad Yuusuf Warsame oo ka mida Jaaliya Soomaaliyeed ee dalka Nya Zeeland isagoo ku dheeraaday Fursadaha Waxbarasho iyo shaqo ee ka jira dalkaas.

161c3

Waxaa kaloo Khubdan aad u qiimo badan xafladaas ka jeedisay Nasro Yusuf oo ah Gudoomiiyaha ururka SAFA oo xafladan soo qaban qaabiyey (Somali Australian Friendship Association), waxayna aad ugu dheeraatay arimaha Waxbarashada ee dhalinyarada Soomaalida kana codsatay inay waalidiinti ka shaqeeyaan dhiiri geliyaana caruurtooda inay Waxbartaan.

Ugu dambayntii waxaa Xaflada hadalo qiimo leh ka jeediyey qaar ka mida Ardaydii Shahaadooyinka la gudoonsiiyey  oo Jaamacadaha ka Qalin jabiyey oo ka sheekeeyey waayo aragnimadoodii intay waxbaranayeen.

Waxaa si qoto dheer uga sheekeeyey waayo aragnimadiisa Waxbarasho Dr Maxamed Xasan, isagoo si Qoto dheer uga hadlay qiimaha ay Waxbarashadu leedahay.

Daawo Xaflada

Puntlandes.com

About The Author