Wararkii u dambeeyey ee Colalaadii Gaalkaco

4 Dec 2015 (Puntlandes) Wararkii ugu dambeeyey ee ay Warbaahinta Puntlandes ka soo ururisay xaaladda iminka ee magaalada Gaalkacyo ayaa ah:
1- Jawi degenaan ah oo saaka ka jira magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay dib u bilowdeen dhaqdhaqaaqa dadka shacsbka.
2- Ciidamadii oo la kala qaaday saaka, iyagoo lagu celiyey goobahoodii hore.
3- Shirar looga wada hadlayo sidii xal waara lagu helilahaa oo socda.
159e1
Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inuu jiro khasaare lixaad leh oo dagaalkii shalay kasoo gaaray dhanka koonfureed ee magaalada dadka ku nool, ayna muujinayaan dabacsanaan sidii hore ka duwan.
Wararka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author