Wararkii u dambeeyey ee Dagaalkii Maanta ee Gaalkacyo

3 Dec 2015 (Puntlandes) Dagaalkii qaraaraa ee manta ka dhacay magaalada Gaalkacyo una dhexeeyey Ciidanka Puntland iyo Malayshiyada maamulka Cadaado iyo ciidanka DFS oo isgarabsanaya, ayaa waxaa ka dhashay Khasaarooyin fara badan oo isu jira dhimasho, Dhaawac iyo Burbur hantiyeed.

Khasaaraha Dhanka Puntland

Khasaaraha Dhanka Puntland waa 4 dhimasho ah iyo 10 dhaawaca sida ay Xogta ku heshay Warbaahinta Puntlandes, waxaa kaloo jira guryo waxyeeleeyeen Madaafiic dhanka Xaafada Baraxleey laga soo tuuray.

Khasaaraha Dhanka Xaafadda Baraxleey

Sida ay Xogta ku heshay Warbaahinta PuntlandesKhasaaraha Dhanka Xaafadda Baraxleey waa 27 dhimasho ah iyo dad 50 kor u dhaafaya oo dhaawac ah.

169

Dagaalkan ayaa mid ay wax badan kasoo shaqeeyeen  soona abaabuleen Xasan Sheekh madaxweynaha DFS iyo Kooxdiisa DAMUL JADIID iyagoo dano RAQIIS ah ka leh. Waa sahlan tahay in Dab la shido laakiin ma sahlana in la damiyo, hadda Colaada Gaalkayo faraha waa ka baxday kuwa ay la tahay in ay ku joogsanaynso madaxweyne Gaas iyo C/kariim oo isa salaama way RIYOONAYAAN oo waliba waxay RIYOONAYAAN iyagoo soo jeeda oo ordaya.

Dhagayso: Gudoomiya Xaafadda Baraxleey oo ka hadlay Dagaalkii Maanta ee Gaalkacyo


Puntlandes.com

About The Author