Kooxo kala taageersan Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay gobolka Bari!

180a4

Waxaa maanta oo Khamiis ah dagaal culus ka dhacay deegaanka Il iyo Cameera oo u dhexeysa degmooyinka Qandala iyo Iskushuban ee gobolka Bari. Halka dagaalku ka dhacay ayaa ahayd xarun cusub oo uu samaystey Shiikh Cabdulqaadir Muumin oo Bishii Agoosto 2015 ka baxay ururka al-Shabaab isla markaana ku dhawaaqey in ay la midoobeen ururka isku magacaabey Dowladda Islaamka ee ka dhisan Dalalka Ciraaq iyo Siiriya, Daacish ayaa sidoo kale malayshiyaad u joogaan dalalka Liibiya iyo Yemen.

Wararku waxay sheegayaan in koox aad u hubeysan oo weli daacad u ah al-Shabaab ay gaareen buuraha Cal Miskood, kuwaas oo amar lagu siiyey in ay soo celiyaan Shiikh Cabdulqaadir Muumin ama soo dilaan.

Dadka deegaanka oo Horseed Media telefonka kula xiriirtey ayaa sheegaya in tan iyo habeenkii xalay saqdii dhexe rasaas culus la is dhaafsanayey, dagaalkuna u dhexeeyey al-Shabaab iyo Daacish.

Ururka al-Shabaab ayaa horey saldhig ugu lahaa Buuraha la yiraahdo Cal Madow, oo Bosaso kaga beegan dhanka Koonfur Galbeed, dhanka dagaaladu ka dhacayaan ayaa xarunta Gobolka Bari ka xigta Koonfur Bari waxaana ay u jirtaa qiyaas dhan 240km.

Ma cadda khasaaraha ka dhashey dagaalka ka dhex qarxay kooxda al-Shabaab iyo garabka ka go’ay ee taageeray Daacish, waxaana labada dhinacba ku adag in ay helaan adeeg caafimaad.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacay (Dhedo) oo warbaahintu la hadashey ayaa sheegay in aanu hadda dhihi karin al-Shabaab iyo Daacish ayaa halkaas ku dagaalamay, dhamaan argagixiso ayey noo yihiin, ama ha dagaalameen ama yesysan dagaalamin ayuu yiri.

Yusuf Maxamed Wacay wuxuu xaqiijiyey in dagaal jiro laakiin weli aysan hayn tafaasiil

Shiikh Cabdulqaadir Muumin, Hoggaamiyaha Daacish ee Puntland ku sugan

Shiikh Cabdulqaadir Muumin, Hoggaamiyaha Daacish ee Puntland ku sugan

Shikh Cabdulqaadir Muumin oo horey ugu nolaan jirey dalka Ingriiska ayaa sanadkii 2010 ka mid noqdey ururka al-Shabaab, kadib sanadkii 2012 waxa uu u wareegay dhanka Puntland oo uu ka soo jeedo. Sanadkan bishii Agoosto 2015 ayuu ka baxay baycadii uu kula jirey Amiirka al-Shabaab waxaana uu sheegay in uu bayco la galay Abuubakar al-Baqdaadi hoggaamiyaha IS/ISIL.

Bilo ka hor ayuu isaga oo wata malayshiyaad ku raacay fikirkiisa waxa uu ka talaabey waddada laamiga ah isaga oo u wareegay dhanka Bari.

Wararka dagaalkan ayaa ah kuwo si weyn looga hadal hayo magaalada Bosaso waxaana dadku is weydiinayaan sida ay ugu suurta gashey ciidamo sidaas u hubeysan in ay ka gudbaan waddada laamiga ah iyaga oo ka soo baxay buuraha Cal madow kadibna u talaabaan buraha kale ee Cal Miskood.

malayshiyaad kala tageersan al-Shabaab iyo Daacish ayaa sidaan oo kale ugu dagaalamay gobolka Jubada Hoose, waxaana hadda soo xooganaya saameynta Daacish ay ku yeelatey Soomaaliya.

Xigaso: Horseed Media

 

About The Author