Dhegayso: Gudoomiyaha Sanduuqa Horumarinta G. Mudug Amiir Maxamuud oo ka hadlay Sanduuqaas

25 Dec 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Sanduuqa Gobolka Mudug Amiir Maxamudd Yuusuf Ciise ayaa ka hadlay waxyaabaha u hirgalay tan iyo markii la aasaasay sanduuqaas iyo dhaqaakaha usoo Xarooday Sanduuqa horumarinta Gobolka Mudug ilaa iminka.

89b

Amiir Maxamuud Yusuf Ciise oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegay in shaqada Sanduuqa ay hakiyeen Colaadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo iminkana ay dardar gelinayaan howlaha Sanduuqa iyadoo wafdiyo u kala diri doona dhamaan degaanada uu Gobolku ka kooban yahay iyagoo dadka ku wacli gelin doona inay ka qayb qaataan Horumarinta Gobolka.

Ammirka ayaa waxaa uu sheegay inay dhaqaalahaas laga soo ururiyo bulshada Gobolka Mudug meelaha ay rabaan ee Horumarinta loo galin doono.

Dhagayso waraysiga Amiir Maxamuud uu Radio Daljir la yeeshay


Puntlandes.com

About The Author