Dhegayso: Waxgaradka Puntland oo u Jawaabay Suldaanka Cabdinaasir Jaamac Seed kana hadlay heshiiskii 1993 ee Gaalkacyo

25 Dec 2015 (Puntlandes) Nabadoon Raage Maxamuud Gaani oo ka mida Waxgaradka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa ka hadlay hadalo kasoo yeeray Waxgarad dhanka Xaafada Baraxley ee la xiriira arrimaha nabadaynta magaalada Gaalkacyo kadib dagaaladii u dhexeeyay Dawladda Puntland iyo maamulka Galmudug.

159b2

Nabadoon Raage ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray  Suldaanka Beesha Sacad Cabdinaasir Jaamac Seed oo ka mida odayaasha Koonfurta Gaalkacyo kaas oo ahaa in Galmudug ay doonayso in la baabi’iyo heshiiskii 1993 isla markaasna dib loo wada qaybsado hantida qaranka ee Puntland gacanta ku hayso sida Garoonka diyaardaha Gaalkacyo.

Nabadoon Raage oo ka hadlaya qaybsiga hantida qaranka waxaa uu sheegay in waagii dawlad Soomaaliyeed la helo la qaybsanayo wuxuuna yiri.

Nabdoonka ayaa xusay Xuduudii uu ay dawlada Talyaanigu u samaysan1940kii  labadan Beelood iyadoo Seero laba Xariiq u samayeeyey taasoo marta 63km meel koonfurta Gaalkacyo ku taala. Nabadoonka ayaa sheegay in nabad lagu heli karo in nin walba Gurigiisa lagu nabad geliyo.

Nabadoonka ayaa mar uu toos ula hadlayey Suldaanka Beesha Sacad yiri “Suldaanka waxaan u sheegi lahaa inuu reerka xaqiiqda ku hogaamiyo,, waxa shalay lagu heshiin waayeyna aan dadka maanta loo sheegin” Halkan ka dhagayso hadalkii Suldaanka Beesha Sacad

Dhegayso Waraysiga uu Nabadoon Raage Siiyay Radio Gaalkacyo


Puntlandes.com

About The Author