Dhagayso: Maamul cusub oo laga dhisay Degmooyinka Aato, Ceelbarde & Yeed Madaxwaynaha & Kuxigeen la doortay

25 Dec 2015 (Puntlandes) Waxaa Degmada Ceelbarde oo uu ka socday shirweyne maamul loogu sameeynayay gobolka Bakool degmooyinkiisa Ceelbarde, Aato iyo Yeed, kaasoo maanta lagu doortay madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen, waxaana looga dhawaaqay maamul goboleed loogu magacdaray Bakool sare.

Madaxweynaha maamul goboleedka Bakool Sere ayaa loo doortay Axmed Sheekh Maxamed Laxos( Axmed Mashruuc), halka isna ku xigeenkiisa loo doortay Cabdulaahi Sahal(Cabdulaahi nirig), iyadoo intii uu shirku socday loo sameeyey axdi ku meel gaar ah , Calan iyo astaan uu gaar ah maamulka goboleedka Bakool-sare.

180b

Calanka Maamulka Bakool Sare

Dhagayso Raiisulwasaare ku xigeen hore ahna mudane ka tirsan baarlamaanka DFS Cabdiwahaab Ugaas oo ka warbixinaya maamulkan cusub


Puntlandes.com

About The Author