Dhagayso: Gaas ” waxaan samayn doonaa doorashooyinka dowladda hoose bisha Augusto ee sannadka 2016ka”

25 Dec 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran ee uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe Caasumadda Puntland kadib safar uga yimaadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

177

Soo dhaweyn aad u ballaaran ayaa madaxweynaha loogu sameeyey duleedka koofureen magaalada Garowe.

Gaas ayaa oo saxaafadda kula hadlay Madaxtooyadda Puntland ayaa wuxuu ka hadlay dhowr qodob oo kala ah:

Safarkiisa Galkacyo: wuxuuna sheegay dhammaantooda inay guul ku soo dhammaadeen iyo inay meel wanaagsan marayso xaaladda magalada Galkacyo iyo nabadaynteedii.

Safarkiisii Muqdishu: wuxuuna sheegay inay muhiimaddu tahay ka gudbidda nidaamka 4.5, wuxuuna dhanka kale xusay in shacabka Somaliyeed aysan ku qanacsanayn habkaasi maadama lagu soo jiray muddo kabadan 16 sano ah.

Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku dagaalamay Gobolka Bari: wuxuuna sheegay inay ka warhayaan islamarkaana si dhaw ula socon doonaan dhaq-dhaqaayada kooxaha kusugan Bariga Puntland

Nidaamka Dimoqraadiyaynta: wuxuuna sheegay in xukuumaddiisu weli waqti ku filan ay haysato wuxuuna intaas raacshay inay sameen doonaan gdoorashooyinka dowladda hoose bisha Augusto ee sannadka 2016ka.

Dhagayso madaxweyne Gaas


Puntlandes.com

About The Author