PLTV oo isbedel wayn sameeyey tan markuu xilka la wareegay Agaasime kuxigeenka cusub Daahir Afloow

29 Dec 2015 (Puntlandes) 20kii Dec 2015ka ayaa madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu si rasmi ah Agaasime ku xigeenka Talafishanka Dawladda Puntland (PLTV) ugu magacaabay Daahir Cabdulqaadir Axmed  (Daahir Afloow) oo ah Saxafi ruug caddaa ah.

182b8

PLTV ayaa la aasaasay bartamihii 2013kii isagoo Agaasimihii u horeeyey ee Axmed Kismaanyo kiciyey TVga oo uu bilow yahay ayaa waxa maamul cusub u magacaabay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasoo sababay in PLTV uu hoos usii dhaco maalinba maalinta ka dambaysa.

 

PLTV ma lahayn warar hufan, ma lahayn Barnaamijyo, ma lahayn Wacyi gelin iyo dhiiri shacabka reer Piuntland, Ma gadi jirin ama ma soo bandhigi jirin Bilicda Allah uu ku manaystay Puntland dhulkeeda, wuxuuna gaaray markii dambe heerkii ugu dambeeyey oo ah in ay iska daayaan Shacabka reer Puntland inay daawadaan PLTV.

 

Magacaabida Daahir Afloow ayaa waxay timid PLTV oo gaaray heerkii ugu hooseeyey, isagoo uu TVgu u baahanaa Badbaadin deg deg ah.

182b7

Mudadii yarayn ee uu xilka hayey Agaasime Daahir Afaloow waxaa laga dareemayaa PLTV inuu sameeyey Isbedel aad iyo aad u tayo badan ayna si baaxad wayn usoo dhaweeyeen guud ahaan ummadda Soomaalyeed gaar ahaan Shacab waynaha Puntland dibad iyo Gudaba.

182c

Agaasime Daahir Afaloow wuxuu isbedel ku sameeyey warka TVga, waxaa iminka TVgu uu bilaabay inuu tabiyo Barnaamijyo soo jiitay reer Puntland oo kala ah wacyigelin, Suugaanta isagoo TVgu ilgaar ah ku eegaya Puntland, Dhiirigelin maalgashi Puntland lagu sameeyo iyo soo bandhigida Bilicda Puntland.

PLTV waxa uu caan ku noqday in wariyayaashu ka cararaan oo Hebel iyo Heblaayo ayaa shaqada ka tagay ayuu caan ku ahaa Agaasime Daahir Afloow ka hor iminkana waxa shaaqada TVga kasoo dhex muuqqanaya intii uu xilka hayey Daahir Afloow wariyayaal caan ah oo kusoo biiray PLTV.

Daahir Afloow ayaa horay usoo noqday xilalka ah Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Isduwaha Wasaaradda Wafdaadinta ee Gobolka Mudug, wuxuu kasoo shaqeeyey Wargayskii Shacabka.

Bahda Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay u hambalyeynaysaa Agaasime Daahir Afloow sida aadka u wacan ee uu u gutay xilkiisa uguna shaqeeyey ummadda reer Puntland.

Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa ”Cadceed sacabo laguma qarin karo” durba way muuqataa shaqada wacan ee uu Daahir Afloow ka qabtay PLTV

About The Author