Sawirro: Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Daah-furay Madasha Horumarinta Punland

30 Dec 2015 (Puntlandes) Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa maanta daah-furay madashada horumarinta Puntland munaasabada daahfurka ayaana ka dhacday xarunta hay,ada Cilmi baarista Puntland ee PDRC waxaana munaasabadaan soo qaban qaabisay Wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland.

Madasha horumarka Puntland oo qeyb ka ah mahsruuca NEW DEAL ayaa lagu sifeeyay inay tahay madal lagaga arinsandoono ka qeybgalka, qorshaynta iyo maaraynta geedi socodka horumarka Puntland si loo helo madal isku xirta heer qaran ilaa heer qaran.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo furay madashaan ayaaa sheegay inay madashaan fududayndoonto qaabka xiriirinta iyo isku dubaridka hawlgalka kulamada joogtada ah iyo kuwo istaraatijyada horumarka ee ka dhaca dalka gudihiisa iyo dibadiisa, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa muhiimada horumarka, wadashaqaynta daneeyayaasha Puntland iyo arrimaha heeran.

Wuxuu madaxweyne ku xigeenku sheegay inay madashu bixindoonto talooyin ku saabsan ujeedooyinka hab xiriirka hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyayaasha.

Sawirro.

DSC8794 DSC8796 DSC8799 DSC8801 DSC8802 DSC8804 DSC8805 DSC8807 DSC8810 DSC8814 DSC8817 DSC8819 DSC8823 DSC8824 DSC8826 DSC8859 DSC8870 DSC8878 DSC8882 DSC8885

About The Author