Sawiro: Faahfaahin Shirkii ka dhacay magaalada Gothenborg dalka Sweden ee looga soo horjeeday habka 4.5 in wax lagu qaybsado

01 Jan 2016 (Puntlandes) Shirkaas waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladaas iyo deegaanada ku dhaw dhaw, waxaana dhanka telefonka uga soo qayb galay madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen Xubno ka mida Jaaliyadda Puntland ee Gothenborg, kuwaasoo kala ah Mahad Bacalwaan Xaaji Cabdulaahi, Siciid Cankolay, Istaahil Dhubad, Maryan Jaamaceey, Yaxye, Saleebaan Bacalwaaan, Cabdicasiis Geeraare.

Shirka waxaa Xiriiriye ka ahaa Cabdicasiis Geeraare, isagoo ugu horayn kusoo dhaweeyey Makarafoonka Cismaan Maxamuud,  oo ka hadlay siyaasada guud ee Soomaaliya iyo argatidiisa ku wajahan Nidaamka qabaliga ah ee 4.5 iyo  inay qasab tahay in laga guuro.

Waxaa kale oo isna lagu soo dhaweeyey Iimaam Cabdulqaadir Shooli oo isna ku dheeraday ka hadlida habka Qabaliga ah ee 4.5, kuna nuux nuuxsaday in uusan habkan Guracani anfacayn Soomaaliya ayna haboon tahay in laga guuro.

Waxaa kale oo isna lagu soo dhaweeyey Cabdiqani Weerarood oo isaguna aad u dhaliilay habka Qabaliga ah ee 4.5 shegayna in laga gudbo.

Maryan Jaamaceey oo Shirka ka hadashay ayaa Bulshada ugu Baaqday inay iska diidaan hadkaas Qabaliga ah loona gudbo Doorasho Xor iyo Xalaal ah aana lagu xadgudbin dastuurka ummaddu ku heshiisay.

Waxaa kale oo intaas ka dib lagu soo dhaweeyey Istaahil Dhubad oo si qoto dheer uga hadashay Horumarka iminka ka socda Puntland oo ay ka wado Xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo habka Qabaliga ah ee 4.5ta oo ay sheegtay in la gaaray waqtigii laga gudbi lahaa. Dhanka kale waxay Istaahin ku guubaabisay Jaaliyadda reer Puntland inay dalkii maalgastaan kana qayb qaataan Horumarka dalkii ka socda.

126ba

Waxaa isna dhanka Telefoonka uga qayb galay shirka madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed cali Gaas waxaana kusoo dhaweeyey Dr Cabdiraaq Garwayne isagoo uga warbixiyey Jaaliyada dalka Sweden iyo ujeedada ay shirka u qabteen iyo waliba mawqifka Jaaliyadda Puntland ee Sweden ay ka qabaan habka Qabaliga ah ee 4.5 in wax lagu qaybsado oo ay kasoo horjeedaan.

Madaxweyne Gaas ayaa aad ugu dheeraday Siyaasada Soomaaliya iyo tan Puntland, isagoo Bulshada Soomaaliyeed ku guubaabiyey inay wadanka ay joogaan wax ka bartaan, waxna ka qabsadaan siyaasadiisana qayb ka noqdaan, Caruurtoodana ay waxbaraan kuna tarabiyeeeyaan Asluub wanaagsan.

Madaxweyne Gaas ayaa mar uu ka hadlayey habka 4.5 waxa uu sheegay inay dawladda Puntland cod ka qaaday 600 qof oo kala jooga lix degmo oo Puntland ah, waxayna Codlkooda ku diideen Nidaamka 4.5.

Daawo sawiradda

image-d776800293f362c5707d4fddec3b0b3885230dd8d8f0e982f1526a8569e52463-V image-6312521c837dbfd037b8768c0e9135616f43007a741de6c6e08ba0de07953733-V image-66d5bffa0f67b9ddd658b8f0fd03c83074084c8f768d8474ab07cc66e65b0342-V image-91d7117a0ed1b85534d2dbbd2559ef7e1d18edca14bde34f67747005188b7ccd-V image-331dd55df82dd428895c65e69bae9007b9dbc372037c4171c49de816f575f95b-V image-c675fbbfda0b67e78671357c91914e2adb2a24223eb8beb671bad76acd1b2995-V image-c675fbbfda0b67e78671357c91914e2adb2a24223eb8beb671bad76acd1b2995-V image-83c21873522fa5692f31fedcc15ebd56ee4059a5a7981ba116d75e20e90b6b5b-V image-6150f7775e761b05080fc3b320ad273a21005bf67b6bdf4aad358287338cbf2e-V image-357dd65f8d99da62b5fd453e91880c20a5d59d0767e2150bccee409f4c5a7c8c-V image-d6248120a2d197cb9dd4d0ff7d4f765ed15f9a7d5147db952522e2d276fc9a0f-V image-a449f5471602eaa391424c3e8fce245c1fef5c3082098b5082c06137faf22569-V image-28e4785e96e912cf1244e5afcbba8b8e8597db0d0d2929ad67615dd81181ccea-V image-df53e3803992c3a105404f180766c865fb8d75dea8b51e671bd0e17ea71f9520-V image-36772a044b89ff896ffa5c865fa5b2113d0c0eb109ac75025c893788dfd62bc9-V

Puntlandes.com

 

About The Author