Sawiro: Wasiirka Deegaanka Puntland oo kormeer ku tagay Biyo-xireen laga wado togga Bilcil ee Dangorayo

01 Jan 2016 (Puntlandes)  Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta kormeer ku tegey biyoxireen ballaaran oo ay wasaaraddu ka waddo togga Bilcil oo 15KM u jira degmada Dangorayo.

Wasiirku waxa uu soo indha-indheeyey sida ay u socoto shaqada dhismaha biyoxireenka, waxana uu wasiirku tegey togga isaga oo sidoo kalena soo arkay shaqada baahsan ee ay wasaaraddu halkaas ka waddo taas oo qayb ka ah howlaha badbaada deegaanka ee ay wasaaraddu ku mashquulsantahay.

Dr.Cali Cabdullaahi Warsame ayaa warbixin ka dhagaystay Eng, Maxamed Cabdullaahi Axmed oo ka mid ah Injineerada Wasaarada Deegaanka Islamarkaasna gacanta ku haya shaqada Biyo-Xireenka Injineerka ayaa Wasiirka u sheegay in ay si habsami leh u socoto shaqadu, Wuxuu sidoo kale Injineerku u sheegay wasiirka in ay rajo balaaran ka qabaan in biyo xireenkani uu waxbadan ka taro arimaha badbaadada deegaanka gaar ahaana uu abuuro dhul-daaqsimeed maadama buu yiri deegaanku imika uu yahay mid Oomane ah Biyaha Togga ayuu sheegay inay awal ku darsami jireen badda laakiinse samaynta Toggaan kadib wuxuu sheegay in ay taasi joogsan doonto, dadka deegaanka oo imika Guurguura ayuu sheegay in ay heli doonaan biyo ku filan islamarkaasna ay fududaan karto in biyaha khasaara imika ay isu badali donaan kuwo looga faa’iidaysto dhan walba iyado lagu aburi karo Beer, qorshaha biyo-xireenka ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in ay Duurjoogto hesho meel nabdoon oo ay biyaha ka cabaan taasoo faa’iido balaaran u noqon doonta dad iyo Duunyoba.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa amaanay dhismaha Biyo-xireenkan oo noqonaya kii labaad oo Puntland laga fuliyey sanadkaan gudihiisa, Wasiirku wuxuu ku booriyey shaqaalaha iyo farsamo yaqaanada gacanta ku haya Biyo-Xireenkan inay ku dadaalaan samaynta Biyo-xireen Wanaagsan oo dalka iyo dadkaba anfaca, wuxuu sheegey in loo baahanyahay in loo shaqeeyo si adag si buu yiri loo badbaadiyo Biyaha maalinwalba Khasaara iyadoo dadkii iyo duunyadiiba ay Oomane ku jiraan.

Booqashada kadib Maamulka degmada Dangorayo iyo cuqaasha Degmadaas ayaa Wasiir Cali Cabdullaahi u sameeyey qado sharaf ay kusoo dhawaynayaan Wasiirka waxayna sheegeen inay maqsuud ka yihiin shaqada Wasaaradu hayso guud ahaan gaar ahaana tan laga wado degmada Dangorayo, sidoo kale shirka ayaa looga hadlay arimo la xiriira hormarinta deegaanka, ka hortaga xaalufka iyo ka shaqaynta badbaada deegaanka iyo Duurjoogtaba, Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo dhankiisa soo xiray shirkaas ayaa sheegay in Wasaaradu ay sanadkan dhamaanaya qabatay shaqo balaaran oo la xiriirta ka hortaga xaalufka ba’an oo lagu hayo deegaanka, hormarinta deegaanka gaar ahaana iyadoo laga hortagayo Boholaha sii fidaya, Biyaha daadka ah oo maraya deegaanka iyo arimo kale, Qorshaha sanadka cusub ayuu sheegay inay kamid tahay badbaadada Duurjoogta iyo loo bilaabi lahaa Mashaariic wax ku ool u ah deegaanka oo laga faa’iidaysan doono.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

About The Author