Sawiro-Dhagayso :Madaxweynaha Dawladda Puntland Daahfuray Shirka isla Xisaabtana Hay’adaha Dawladda

02 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subaxnimadii hore 02-Jan-16 daah furay shirka isla-xisaabtanka hay’adaha Dawladda Puntland shirkaas oo ah mid sannadle ah oo sannadkiiba mar laqabto si bulshadu ay u ogaato ballanqaadyadii ay dawladdu u samaysay waxa qabsoomay iyo waxa aan qabsooni iyo sababta.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay barnaamijkani inuu ku qotomo sidii ay bulshada iyo dawladdu ukala warqabi lahaayeen maadaama cidda ay dawladdu u adeegayso ay tahay bulshada Puntland.

“waxa loo shaqaynayaa waa dadweynaha reer Puntland, waxaa waajib ah in shacabka iyo dawladdu isu muuqdaa, shacabku waa inay arkaan waxa u qabsoomay xukuumadda iyo waxa aan uqabsoomin”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tilmaamay cidda leh qiimaynta rasmiga ah ee ku saabsan wax-qabadka dawladda inay yihiin dadweynaha Reer Puntland balse aanay ahayn xukuumadda dhexdeeda, taasina ay tahay sababta keentay qabashada shirkan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in ka-madaxweyne ahaan ay ukala qiimaysan yihiin wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee daeladdu isla markaasina uu ogyahay wasaarad walba waxa ay qabatay iyo waxa ay ka-gaabisay iyo sababta balse uu doonayo in shacabkuna ay lasocodaan maadaama ay iyagu leeyihiin qiimaynta kama dambaysta ah.

 

IMG_0012IMG_0022IMG_0027IMG_0033IMG_0037IMG_0048IMG_0050IMG_0054IMG_0062IMG_0072IMG_0078IMG_0086IMG_0093IMG_0099IMG_0110IMG_0120IMG_0123IMG_0127IMG_0131IMG_0135IMG_0140IMG_0142IMG_0144IMG_0145IMG_0155IMG_0159IMG_0161IMG_0166IMG_0181IMG_0192IMG_0206IMG_0210IMG_0233IMG_0240IMG_0248

About The Author