Sawiro: Madaxda Puntland oo kulan dhiiri gelin ah Madaxtooyada ugu sameyey 13-jir Farsamayaqaan ah

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiya Baarlamaan Axmed Cali Xaashi  ayaa Maanta 4-Jan-16 waxay dhiiri gelin u sameeyeen wiil da’yar oo farsamayaqaan ah booqasho lagu keenay qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Guuleed Aadan Cabdi waa wiil da’yar  oo jira 13-sanno oo dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga, waxa uu ku dhashay Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn halkaas oo uu wax-barashadiisa kasii wato.

Guuleed waxaa uu Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka hortooda kusoo bandhigay gawaadhi, iyo Diyaarado uu isagu iktiraacay oo maskaxdiisa ka keenay, Gawaadhid ayaa isugu jira nooca Xammuulka qaada ee loo yaqaan Waaraadka, Bajaaj, Ika-rogada ciidda iyo dhagaxa gurta, iyo Diyaarad.

Sidoo kale gaadiidkan uu guuleed sameeyey waxa u dhammaystirnaa dhammaan agabkii looga baahnaa hadday ahaan lahayd Taayirada, kuraastii, indhihii ama laydhadhkii, dhigihii alaabta lagu xirilaha, codkii ama hoonkii, iyo dhammaan wixii uu gaadhi u baahnaa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intaasi kadib waxaa uu ugu horrayn ilaahay uga baryey cimrigiisa inuu u barakeeyo, aqoontiisana uu usii siyaadiyo, waxaana uu ku tilmaamay madaxweynuhu arrintani inay tahay mid layaab badan marka loo eego wiilka da’diisa iyo maskaxdiisa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku dhiiri geliyey guuleed inuu dedaalo wax-barashadiisana uu ka miradhaliyo oo aanu joojin hal-abuurkiisa iyo hirgelinta fikradaha cusub ee ka dhex guuxaya maskaxdiisa.

 

IMG_2022IMG_2032IMG_2036IMG_2047IMG_2050IMG_2052IMG_2056IMG_2064IMG_2070IMG_2074IMG_2076IMG_2080IMG_2083IMG_2084IMG_2090IMG_2093IMG_2094IMG_2097IMG_2106IMG_2114IMG_2118IMG_2130

About The Author