Sawiro: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Xarigga ka jaray Barnaamijka SOLAR-ka oo ileysa Cadceeda ku shaqeeya

04 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Caawa 04-Jan-16 xarigga kajaray barnaamijka Ileyska Cadceedda ku shaqeeya ee loo yaqaan “Solar System” oo dhowaan laga hirgeliyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Munaasibadda Xarigga looga jarayey Barnaamikan waxaa kasoo qayb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Duqqa Caasimadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, shirkaddii barnaamikan kahirgelisey caasiimadda iyo dadweyne kale.

Barnaamijkan Ileysaka cadceedda ku shaqeeya oo dhowaan laga hirgeliyey Caadimadda Puntland ee garoowe ayaa waxweyn ka beddeley iftiinkii  iyo quruxdii caasimadda oo xilliga habeenkii ah u kaahaysa sida maalintii oo kale , waxaana barnaamijkan iska kaashaday Dawladda Hoose ee Garoowe iyo Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin oo ay kamid tahay Hay’adda “SSF Somali Stability Fund” .

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa mashruucan ku tilmaamay inuu ka mid yahay guulaha isdaba jooga ah ee ay ku tallaabsatay dawladda Puntland kuwaas wax-badan ka beddeleysa horumarka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sidoo kale xusay mashruucani inuu wax badan kusoo kordhin doono caasimadda uuna ka qayb qaadan doono isu socodka dadweynaha, sugidda nabadgelyada iyo horumarka  ganacsi ee ka socda caasimadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiima Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sidoo sheegay in ay jiraan barnaamijyo kale oo lagu beddeleyo wejigii lagu yaqaaney  caasimadda Puntland si’ caasimaddu ula jaanqaado caasimadaha kale ee dunida

 

IMG_0002IMG_0031IMG_0075IMG_0080IMG_0096IMG_0101IMG_0109IMG_0125IMG_9877IMG_9879IMG_9882IMG_9883IMG_9886IMG_9898IMG_9904IMG_9928IMG_9941IMG_9945IMG_9975

About The Author